Somaliland Labo hogaamiye ha iska Qabato

Brothers and Sisters

Somaliland Labo hogaamiye ha iska Qabato

Darxumo badan baa la soo deristey dadkii uu dakhiligooda ka yaraa hal dollar maalintii oo ah 32% boqolkiiba bulshada ku dhaqan Somaliland. Kuwa dhakhligoodu yahay 2 dollar maalintii faraq sidaas ah oo la taaban karo uma dhaxeeyo kuwan hore waana 35% boqolkiiba. In ka yar 2% bulshada oo dhan waxa u xerooda maal lagu qiyaasey 69% dakhliga wadanka oo dhan. In lagu qiyaasey 8% waxa u xerooda 85% dakhliga wadanka oo dhan. Canshuurta ka soo xeroota kastamka Berbera waxa khasnada dawladda ee wasaaradda maaliyada ku dhaca 43% inta hadhey oo ah 57% waa la lunsadaa. Kastamka seylac waxa lagu qiyaasey 58% in la lunsado.

Baadhistan waxa iska kaashadey hey’ad caalami ah oo loo yaqaan Tranparency International iyo wadaniyiin khabiiro ah oo si qarsoodi ah u fulinaayey baadhistan. Welli ma dhammaan baadhistan cilmiyeed waxaynu ku hawlantahay maareynta hantida ummada. Saddex jaamacadood baa la shaqeysa xagga war ururinta oo ah mid dadban iyo  mid toos ah. Laba jaamacadoo waxa loo xil saarey in ay dabo-gal ku sameeyaan madaxdii hore oo ah inta badan wasiiradii wakhtigoodii dhamaadey qaabka ay u noolyihiin iyo meelaha ay hantidey lunsaden ku aasteen. Warar hordhac waxa lagu muujinayaa in wadaniyiin kala jooga UAE ama imaraadka laga helay warar aad u badan oo la halmaala shaksiyaad haniti ku qarsadey wadankaas.

Wadaniyiin kale waxa loo xilsaarey dib-u-eegista dastoorka iyo ku dhaqankiisa, dib-u-eegista xeer-ilaalinta iyo meel-marintiisa; odey-dhaqameedyada iyo hab-dhaqankooda dhinaca wax is dabo-marinta; golayaasha iyo xeer-hoosaadkooda; maxkamadaha iyo sharci-fulinta ama garsoorka; booliska iyo nabad-illaalinta; maamul-goboleedyadda iyo miisaaniyadooda. Waxa khabiiro gaar ah loo igmadey oo si qarsoodi ah u fushanaaya hawshooda in si qoto dheer u dersaan wasaaradda duulista iyo kastamka garoomada diyaaradaha ee Somaliland.

Baadhistan ama dib-eegistan ujeedadeedu ma aha in cid wax lagu yeelo, waxayse tahay in caqabadaha ummada hortaagan si qoto dheer loo fahmo dabadeedna loo soo saaro hab-straatijic ah oo loo xakameeyo wax allaale wixii la halmaala mareynta iyo musuqmaasuqa xaglah goynayaa ummadan iska liidata ee barakeysan.

Intaan la gaadhin soo gabogabeynta hawlahaas socda ee la innaga caawinaayo, waxa la isku raacey in labo hogaamiye deg-deg loo tuuro, lagana qaado xilka kheyrlaawe ee ay u ummadan u hayaan.

Madaxweyne Bixi waxay wax-gardkani iyo hey’adha caalamiga ah si qalbi hufan ugu la talinayaan in deg deg uu u hurgufu kuraasta ay ku fadhiyaan:

1.     Gudoomiyaha golaha guurtida

2.     Gudoomiyaha guddida doorashada ama Komishanka

Waxa loo arkay laban hogaamiye meesha ay fadhiyaan mid akhlaaqiyan (ethical) ama mabdi’iyan (principle) aanay dadku u adkeysan karin in ay ku nagaadan.

Waxa laguula talinyaa mudane Bixi in shahaado sharaf weyn la muteysiiyo laban mas’uul wixii hore ee ay soo qabteen awgeed.

Waxay hey’adaasi caalamiga ahi diyar u tahay in tabao-barro xagga maareynta iyo ladagaalanka ama xakameynta musuq-maasuqa iyo qaraabo-kiilka ka caawiso reer Somaliland. Waxaan soo jeedineynaa in wasaaradda shaqada, wasaaradda cadaalada, iyo wasaaradda maaliyada laga diyaariyo guddi farsamo oo soo diyaarisa aragti (vision) iyo qaab-hawleed loo wajaho maareynta guud ee wadanka. He’yado kale oo UNta ka mid tahay way ogolyihiin in ay gacan ka siiyaan dawladda wixii ku saabsan “Good Governance” ama maareynta wacan. Waxaan ku soo duuduubeynaa fariintan bulshada iyo dawladaba ku socta in labadaas mas’uul arrintooda ay meelwalba gaadho oo si qurxoon loo ambabixiyo, loogana saaro xilkii ay u hayeen ummadda.

Wax is gaadhsiin iyo wada shaqeyn wacan!! Waa bilaahi tawfiiq!!

Xogheynta TI iyo SL experts on Governance

April, 2018

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker