Ex-Wasiir Cadaani Oo Ka Hadlay Sida Uu Arko Kulankii Madaxweynaha Iyo Siyaasi Buubaa

Wasiirkii Hore ee  wasaarada warfaafinta Somaliland, Cismaan Cabdillaahi  Saxardiid(Cadaani),ayaa ka hadlay oo aragtidiisa ku cabiray sida uu arko kulankii dhexmaray madaxweynaha Somaliland  iyo Siyaasi Ismaaciil Hure buubaa,oo dood iyo aragtiyo kala duwan ka dhex dhaliyay bulshada.Hadaba waxa Md.Cadaani ku bilaabay Qoraalkiisa Sidan:

 

Umadda J. Somaliland ee Sharaafta leh waan salaamayaa , Salaan ka bacdi dhamaantiin Khayr iyo Cafimaad ayaan idiin rajeynayaa iyo in uu helo ama ay hesho Rag iyo Dumar wax Allah waxa aad niyaada Ku haysaan . Qodob  ay Umadda Jamhuuriyadda Somaliland ay falanqaynayeen , ayaan Rabaa in laba kelmadood ka idhaahdo .

 

1- Qodobka ah Ismaciil Buuba muxu ula Kulmay Madaxweynaaha Jamhuuriyadda Somaliland , ama Madaxweynu ha u yeedho ama Ismail ha dalbaado , waxa ay aniga ila tahay in uu Madaxweynuhu qaaday tallaabo muhim ah , Rag iyo Dumarna ay tahay in lagu hambalyeeyo si weyn , dalkuna uu u Bahnaan yahay arrinkaan . Mida kale Walaalayaal Madaxweynaaha Jamhuuriyadda Somaliland 3 dex arrimood ayaa ugu muhimsan Xilka loo igmaadey . Waxayna kala yihiin

 

A- In uu adkeeyo Nabadgelyaada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Difaaca Qaranimo Gudo iyo Dibadba .

 

B- Qodobka labaadna waa Midaynta Umadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay noqdaan Reer ama Umaada Somaliland dad ah Walaalo oo isku araagti ah , waana ta qiimaaha leh ee qaabilaada Madaxweynuhu qaabilay, Ismaaciil Buuba wax ka taraysa oo ay horseed u tahay in nin kasta iyo gabadh kasta la soo dhoweeyo , xataa hadii ay yihiin sida Ismail Buuba oo in badan qarankaan ka soo horjeedey , ahaana nin Mujaahid ah oo dalkan u soo dagalaamay , Wakhti weyn iyo dadaal badana galiyey Xoreynta Umaada J. Somaliland , ahna Mid aad muhim uga ah Madaxweynaaha Xilka hayaa iyo Umadda Qaranka J. Somaliland in la ahaado ummad mideysan . Markaas aynu isu Dul Qaadaano oo aynu ka fekerno waxa aynu dooneyno Umaad ahaan oo ah dal Aqoonsi leh oo ka mid ah Jumciyaada Qurumaaha ka dhexaysa . Madaxweyne Musaana Hambalyo ayaan leeyahay oo in uu Jabhad u soo dagaalamay dalkan , Waynu ogeyna , waxa Caawaana Cad in uu yahay Siyaasi weyn oo Rug cadaaya .

 

C- in uu horumar iyo nolol wanaagsan gaadhsiiyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland , taasuna waxa ay Ku dhacaysaa dhamaan inaaga oo isku Duubaan  in aynu ka waada qayb qaadaano oo dadaalka iyo wakhtiga aynu Ku bixinayno Tacliiq maalmo ah , aynu gelino sidii aynu isugu tashaan lahayn oo aynu dal jira oo horumar leh u noqon lahayn .

Wasiirkii Hore ee  wasaarada warfaafinta Somaliland,

Cismaan Cabdillaahi  Saxardiid(Cadaani)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker