Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Oo Ka Digtay In La Siyaasadeeyo Gudashada Waajibaadka Xajka

Muqdisho(OWN)- Xilli maalmahaan uu taagnaa khilaaf ka dhashay arrimaha acmaasha Xajka,ayaa waxaa arrintasi ka digay in la siyaasadeeyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

 

Guddoomiye ku xigeenka Hayaddaas Sheekh Nuur Baaruud Gurxan  ayaa waxa uu sheegay in ay jecel yihiin in aan siyaasad iyo qabiil midna an lagu saleyn maadaama ay tahay arrin Diino ah.

 

Waxa uu sheegay in Guddiga Cadaalada ee Baarlamanka ay horay qoaral ugu direyn,hayeeshee ay jiraan dad kale oo arrimaha Xajka u adeegsanaya Siyaasad,isla markaana ay aad uga xun yihiin hadii ay yihiin Hay’adda Culumada Soomaaliyeed.

 

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa khilaaf ka taagnaa arrimaah xajka,kaas oo sababay in uu xilkiisii ku waayo Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo sidoo kale Maareeyihii Duulista iyo Hawada.

Guddoomiye ku xigeenka Hayaddaas Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker