Booliis u ilmeeyay Eey Boolis ah oo shaqada uga tagay caafimaad darro.

Waxa ay ahayd sagootin qiirro leh markii saraakiisha booliisku ay isugusoo urureen sagootin qiiro leh oo kama dambays ah oo ay siiyeen saaxibkood eey boolis ah oo la ildaran cudurka kansarka lafaha.

Eeygan boolsika ahaa ee aadka u xanuunsana ayaa helay salaan geesinimo leh ah markii saraakiisha boolisku ay isugu soo baxeen bartamaha Arkansas ee dalka Maraykanka si ay u siiyaam maamuus ah sagootintii ugu dambeysay ah.

Eeygan oo lagu magacaabo Pajti waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan K-9 ilaa 2013 gudaha gobolka Lonoke oo qiyaastii 20 mayl bari ka xigta Little Rock.

Si kastaba ha ahaatee, dhowr bilood ka hor ayaa eeyga laga helay Osteosarcoma oo ah nooc ka mid ah kansarka lafaha.

Markii kansarku bilaabay in u ku faafo eeygan booliska ah Sheriff John Staley wuxuu qaatay go’aan adag oo ah in shaqada K9 laga joojiyo . “Waxaan ula jeedaa waa uun heerka tamartiisa oo aad ogaan karto in ay hoos u dhacday,” ayuu yiri

Maamulihiisii oo ahaa ku xigeenka xarunta Brooks Grabill, ayaa u sheegay telefishanka Little Rock ee KTHV in xanuunka Pajti uu si degdeg ah u siyaaday , dhakhtarka xoolahana uu ku taliyey in eeyga la dilo.

Arbacadii, saraakiisha degmada Lonoke iyo hay’adaha ku xeeran ayaa soo dhaqaay iyaga oo wata nalal iyo seeriyaal si ay ugu raacaan Pajti hoyga halkaas oo nafta lagu dhaafin doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker