JAARIYADI MA CAYBAA MISE WAA CAMAL

saaxiibkay Ibraahin-Hawd Yuusuf oon anigu moodi jiray nin qoraa ah oo
belo ka dhacday ayuun baa beryahan raad arooryaad dib u raacay ka dib
markuu ku dhex asqoobay kala taageerida asxaabta qaranka
ibraahin oo qurbojoog ah markiisii horena ciyaalo muqdisho ahaa wuxuu
goostay inuu xisbiga adeerkii ciro ka sharaxan yahay gar iyo
gardartoba ku taageero haba taageere waxaa si xun u gashay qadiyada
asxaabta waxaana iskaga dhex milantay tii beelaha iyo tii asxaabta

 

waa dhab haba loo kala badee xisbi kastaa taageerayaal wuu ku lahaa
dhamaan beelaha reer somaliland hadaba doorashadii madaxtooyada ee
dalka ka qabsoontay November 13, 2017 ee ay ku tartameen xisbiyada
wadani iyo ucid iyo kulmiye waxaa guushii ku raacday sidaynu wada
ognahay xisbiga kulmiye oo weliba cod aqlibayd ah ku guulaystay

waxaana laga guulaystay xisbiyada wadani iyo ucid waxaa aqoon daro ah
oo caadifad ah inaynu taas badhkeen u fasirto in beelo laga guulaystay
hada garoo maalintii doorashada lama lahayn yaa reer hebel ah ee waxaa
la lahaa yaa xisbi hebel ah ciroo musharax madaxweyne ahaana wuxuu
guri kasta iyo goob kasta la taagna ha la taageero xisbigeena wadani
hadaba ibraahinow hadii xisbigeenii wadani ee aynu adiga iyo anigu
taageersayn soo bixi waayey miyaanay lafo jab iyo nusqaan kugu ahayn
intaad cidlo igaga tagto inaad maalin kasta facebook ka dhex baroorato
oo tidhaahdo tolkayow ka kacaay weliba hada adigu wadani umaad codeyn
umana aad dhibtoon oo wadanka sweden ee aad qaxootiga ku tahay umaad
soo dhaafin wixii hawl iyo halaba la hayey
waxaan uga socdaa ibraahin hawd intuu waday oo waday ayuu wixii
beeshiisa ee dawlada somaliland xilal ka haya wuxuu ku sheegay
jaariyado waar ileyn af aanad lahayn ma xukuntid jaariyadeey xaal
qaado bal aan isweydiinee jaariyadi maxay tahay saw gabadh shaqeysata
oo xoogeeda xalaasha ah maasha maaha saw weliba kuma amaana oo
nafteeda iyo tii ehelkeedba wax kama tarto waxaan hubaa jaariyadu inay
ka waxtar badan tahay qaar badan oo sida ibraahin hawd qurbaha ku
asaasaqay oo khayrkood iyo khyr xigahooodba kaga hadhay dhanka kale
hadaynu ka eegno raga beelaha kale ah ee wadaniyi iyana maxay
noqonayaan kol hadii kuwoodii asxaabta kale ahaa uu jaariyado ku
sheegay

waxaan la yaabay ninkaa weyn maalin dhaweyd oo uu bartiisa facebook
kaga hadlayey xadhiga nimco qorane ayaan ku idhi ibraahinow nimco
dadkeedii iyo dalkeediiba bay la joogtaa loo werwerimaayoo beriba waa
la cafiyi doonaaye waxaad ka warantaa xildhibaanadii baarlamaanka
soomaaliya ee hadhka cad muqdisho lagu dilay een labo cali isweydiin
wuxuu iigu jawaabay kuwaas garxajisnimo looma layn waa yaab kol hadii
gacan ka xaq darani dishay asay xildhibaanadaadii ahaayeen ma waxay
ahayd inaad ka aamusto oo afka ka xidhayo hadaad kaba aamusnay ileyn
kuwaa dhintaa hiil kaaga baahnaaye maxaad gabadh calankeedii iyo
ciideeda hoos joogta ugu xiiqaysaa ee ugu xabeebanaysaa

waxaan ku soo khatimayaa gabay aadan tarabi lahaa baa waxaa ku jirtay
tuduc ah DAR ALLAAD U HURUDAA WAXBA DUNIDA KAMA ODIGID DUB CAS AAN
NAXAYNIYO DARAAWIISHI KUMA HELIN
kol hadaad markii horena maanafeesto ahayd markii danbana qurbojoog
noqotay rafaadka iyo dhibta loo soo maray dadkan iyo dalkan waxba kama
ogide waa gartaa inaad munaafaqad yaroo caantayn ah iyo qiiro yaroo
aan kaa niyo ahayn kula dhex wareegto waxayse u eg tahay imika in
lagugu fahmay oo lagaa maadsado uun

jaamac cabdillaahi suleymaan
cigaal215@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker