Imaaraadka Oo Qatar ku Eedeysay inay ka Danbeeyaan Khilaafka Soomaaliya Iyo Imaaraadka

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ku eedeeyay Dowladda Qatar in ay gadaal ka riixeyso khilaafka dowladdiisa kala dhaxeeya Soomaaliya.

Anwar waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay illaalinta midnimada Soomaaliya islamarkaana khilaafka hadda taagan uusan u khalmin uu waxyeelleeyo walaalnimada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

 

Qoraal uu soo dhigay Twitterkiisa ayuu isku waydiiyay illaa goorta uu sii socon karo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

 

“Dowladda Imaaraadka waxaa ka go’an ilaalinta midnimada Soomaaliya dad ahaan iyo dal ahaan.”,Ayuu yidhi wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda  Imaaraadka Carabta.

 

 

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay heshiiska DP World ay kula wareegtay Maamulka Dekadda Magaalada Berbera,waxaana uu ku celiyay in heshiiskaas ay saxiixday dowladda Federaalka ah ee ka horreysay midda hadda jirta islamarkaana ay marqaati ka ahaayeen dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Related image

Anwar Maxamed Qarqaash

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker