ONLF ” Yoolkii Aayo ka talinta iyo Madax banaanida wax yar ayay noo jirtaa”

Afhayeenka Ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo Waraysi siiyay SOMALI TV OF MINNESOTA ayaa ka hadlayay xaaladihii kala duwanaa ee ururku soomaray, iyo waliba wakhti xaadirkan xaaladda uu ururku taagan yahay iyo qodobo kale.

Afhayeenku waxa uu ugu horreyn ka hadlay in mawqifkii ay ONLF markii hore udagaallamaysay ee ahaa aayo katalinta shacabka degaanka Soomaalida aysan waxba iska badalin, haatan oo ururku qorigii uu ku dagaallamayay u baddalay inuu qalin ku halgamo, oo xuquuqdii shacabka iyo halgankii siyaasadeed ee ururku uu si nabad ah ugu halgamo gudaha degaanka Soomaalida.

“Waxaanu u dagaallamaynay in dadkayagu aayihiisa ka tashado oo la waydiiyo halkii uu ku biirayo in uu Itoobiya lasii noolaan karo, in Soomaaliya uu ku biirayo, in Kenya uu ku biirayo iyo inuu iskii gaar u istaagayo, Wadadii aayo ka talinta waanu ku taaganahay, yoolka aayo ka talintana iyo Madax banaanidana wax yar ayay noo jirtaa, haddii maanta aanaan Calankii taagin waxaa nootaagan wixii Aasaas u ahaa Calanka”, ayuu yiri Afhayeenku.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu sheegay in ONLF ay mar walba diyaar u tahay inay nabad ku halganto oo xuquuqda ka maqan ay nabad kusoo dhacsato, waxa kale oo uu sheegay Afhayeenku in wali shacabka uu dareemayo dulmi kaga imaanaya dhinaca dowladda Itoobiya, balse wali ONLF ay xeerinayso oo ay diyaar u tahay Nabadda, waa siduu hadalka u dhigay Caddaani hirmooge Afhayeenka ONLF.

Gabagabadii, Afhayeenku waxa uu Shacabka degaanka Soomaalida ugu baaqay inay garab istaagaan oo ay taageeraan ONLF, oo uu sheegay Afhayeenku inay u taagan tahay sidii ay usoo dhicin lahayd xuquuqda Shacabka degaanka Soomaalida kaga maqan dowladda Itoobiya, isla markaana Shacabku u gaari lahaa sidii uu aayihiisa ooga talin lahaa, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker