Dawlada Turkiga Oo Samaysay Dugsiyo Waxbarasho Oo Loogu Talogalay Isdhexgalka Qaxootiga Suuriya iyo Bulshada Turkiga

Xili malaayin qof oo ka soo barakacay colaadda dalka Suuriya ay soo gaarayaan dalka Turkiga ayaa dugsiyada waxbarashada ee dalka Turkiga waxaa ay qeyb lixaad leh ka qaadanayaan sidii shacabka reer Suuriya ee qaxootiga ku ah Turkiga ay uga mid noqon lahaayeen bulshooyinka Turkiga.

Kala bar ardayda wax ka barata iskool ku yaala Magaalada Gaziantep ee ku taala koonfurta bari ee dalkaasi ayaa ah kuwa ka soo jeeda dalka Suuriya, balse iyaga iyo Turkida midabkooda lama kala garto oo ardayda dhamaan waxaa ay ku hadlaan luuqada Turkish-ka.

” Aad ayaa u jeclahay iskoolkani, waxbaan bartaa, waxaana sidoo kale aan leeyahay saaxiibo Turki ah” waxaa sidaasi yiri gabar kamid ah ardayda reer Suuriya ee wax ka barta iskolkaasi.

Qaxooti gaaraya saddex milyan iyo bar oo ka soo qaxay collaada dalka Suuriya ayaa sanadihii dambe soo gaaray dalka Turkiga.

Qaar badan oo kamid ah qaxootigaasi ayaa waxaa ay doorbideen inay caruurtooda wax ka bartaan iskoola Suuriyaan ah oo wax lagu baro luuqadda carabiga, balse dowladda Turkiga ayaa waxaa ay hadda ahmiyadda siineysaa sidii qaxootiga Suuriya ay u dhex geli lahaayeen oo ay wax uga baran lahaayeen dugsiyada Turkiga.

Dedaaladan ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin mashaariic dhowr ah oo dowladda Turkiga ay ku dooneyso in ku xoojiso isdhexgalka qaxootiga iyo shacabka dalka Turikiga. Mashaaricdan oo ay maalgelinayaan midowga Yurub ayaa waxaa ku kacaya lacag dhan 365 milyan oo doolar. Nidaamkan cusub ayaa waxaa sidoo kale ardayda qaxootiga lagu baraa luuqadda af Turkish-ka, si ay duruusta kale ula qataan ardada kale ee Turkida.

Iyadoo caruur badan ay waxyeelo dhanka maskaxda ah ka soo gaartay dagaalka Suuriya, ayaa hadana dhanka kale waxaa jira khubaro dhanka caafimaadka qaabilsan oo caruurta waxyeelada kasoo gaartay dagaalada ka caawinaya sidii maskaxdooda looga sifeyn lahaa dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen collaada.

.

Mid kamid ah macallimiinta wax bara ardydaasi ayaa waxaa uu BBC-da u sheegay in qaar kamid ah caruurta reer Suuriya ee jooga Turkiga ay ooyaan marka ay maqlaan dhawaqa albaabka, waxaana uu intaa ku daray in sidookale marka caruurtaasi ay arkaan qiiqa diyaaradaha hawada maraya ay yirahdaan qarax baa dhacay ama duqeyn ayaa halkaasi ak dhacday.

Tan iyo intii ay dagaaladu ka bilowdeen dalka Suuriya, waxaa dalka Turkiga ku dhashay caruur reer Suuriya oo gaaraya saddex boqol oo kun, kuwaasi oo la rumeesanyahay in waalidkoodu ay doonayaan inay sii joogaan dalkaasi.

Waxaa sidoo kale sare u kacay caruurta qaxootiga ee wax ka barta dugsiyada Turkiga tan iyo intii la bilaabay mashruucani, waxaana ahmiyadda ugu weyn ee mashruucan la sheegay inay tahay sidii ardyada qaxootiga ay ugu biiri lahaayeen iskoolada.

Wasiirka waxbarashada ee dalka Turkiga oo ka hadlay mashruucani ayaa waxaa uu sheegay in muddo dhan saddex ilaa iyo afar sano ay qaadan karto in caruurta reer Suuriya oo dhan ay ku biiraan iskoolada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker