Mulkiilihii Doonta Gubatay oo Faafaahin Ka Bixiyay, Xajmiga Khasaaraha Soo Gaadhey Badeecada ay Sidey iyo Doonta Laf ahaanteeda.
Ganacsade Cali Ducaale Mulkiilihii Doonta, oo Faafaahin Ka Bixiyay, Xajmiga Khasaaraha Soo Gaadhey Badeecada ay Sidey iyo Doonta Laf ahaanteeda.
Ganacsade Cali Ducaale Cawar, oo ah Doonta Ku Gubatey, Dalkaasi Yamen, gaar ahaana Cadan, ayaa Faafaahin Ka Bixiyay Badeecadaha at Siday Doontu, Iyo Noocyada Saarnaa ee Ku Gubtey Doonta.
“Waxaa Saarnaa 20.000 oo Kartoon oo Subag ah, iyo 7000 oo Kartoon oo Caano ah iyo 10.000 oo Kartoon oo Sigaar ah, Waxaana Lahaa Ganacsade Rashiid Ibraahim Ciise, 5000 oo Kartoon oo ahaa Vimto iyo Alaabooyin Kale, Hantida Doonta Saaran annigu Ma Qiimayn Karro Waxaa Iska leh, oo Sheegi Karra Ganacsadahaas, Doontu Way Cusbayd, oo Dhawaan ayaanu soo iibinay, Waa Markii Sadexaad ee ay baxdo” Ayuu Yidhi Ganacsade Cali Ducaale Mulkiilaha Doontaasi.
Waxaannu intaa Ku Darrey Faafaahinta uu Ka bixiyay Shilkan.
“Waxey Ka baxdey Jabuuti, oo Cadan ayay Tagtey, Waana markii Koobaad ee ay Berbera usoo baxdo, Waxaanu kasoo iibinay Hindiya, Doonta, Waxaanu Kula kala Wareegnay, Qoladii Hindida aheyd Cadan, Waxaannu kasiisanay Lacag dhan 400.000$ oo Dollar ah Alaabta Saarneyd, annigu Kolay Waxaan Ku Qiyaasi Karraa 500.000$ oo lacagta Dollarka Mareykanka ah
khasaarahaasi halkaa yuu Ka dhacey Waana Wax Qoran, Waanna Wax illaahay Keenay intaas ayuunbaan Annigu Sheegi Karraa” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyay.
Waxaanu Ganacsade Cali Ducaale Xusey, in Doonta, iyo Shixnadda Saarneydba, labadaba Laga leeyahay Somaliland.