Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho ku geeriyooday.

Muqdisho(OWN)- Allaha unaxariistee, Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Khaliif C/llaahi Dheere oo katirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaankan 10-aad.

Xildhibaanka ayaa sadexdii maalin ee ina dhaaftay ku jiray Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho, iyadoo xaaladiisa ay ka sii dartay uun, Waxaana Gelinkii danbe ee maanta loola cararay Isbitaalka Madiina ee ku yaala Degmada Wadajir.

 

 

Xildhibaanka ayaa gudaha Isbitaalka ku geeiryooday Caawa abaara 09:30Pm, Sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah Ehelada Marxuumka.

 

 

Xildhibaanka ayaa maalinimada Berri ee Axada ah, waxaa lagu waday in Gudaha Isbitaalka Madiino Qaliin loogu sameeyo, si loola tacaalo Xaaladiisa Caafimaad., Balse goordhow ayuu geeriyooday.

 

Marxuumka ayaa noqonaya Xildhibaankii 4-aad ee ka geeriyooda Baarlamaankan 10-aad, Horay waxaa ugeeriyooday Xildhibaanada kala ahaa; Siciid Xasan Geedi, Bootaan Ciise Caalim iyo Cabaas Sheekh C/llaahi Siraaji.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker