Ma kula tahay inay iscasilaan gudida Koranuhu, hadday sharafooda dhawrayaan?

Caafimaadka guud ee bulsho (Public health) wuxu ku dhisan yahay aaminista dadkiisa. Waana heshiis dadban oo bulsho kaasi oo  u dhaxeeya dawlada iyo shacabka .

 

Dadweynuhu waa in ay isku aamini karaan, fariimaha iyo goobaha caafimaadka markay arkaan madaxdooda oo dedaalaysa,la dareen ah, si daah furan wax u maamulaya oo aan waxba khiyaamayn, waa in ay u arkaan in wax fiican loo qabanayo inti karaankooda ah.

 

Taasi baa ah aasaaska caafimaad lagu kalsoon yahay oo bulsho. Maaha keliya makarafoono lala wareego iyo xeerar dadka loo yeedhiyo ama shir jaraa’iid saxaafada loo qabato.

 

Haddaba, iyadoo ila iyo intii la magaacbay gudidan iyo wasaaradda caafimadkaba ay hadhaysey gaabis iyo qorshe xumo baahsani siday u maamuleen la dagaalanka xanuunkan Koronaha ( hadday tahay qaabka ay u diyaargarooben, wacyigelinta, dhaqangelinta awaamirta ay so saaren, adeegsiga aqoonta iyo dhaqanka, daboolista baylahda cusibtaalada ka so yeedhaysa ee  Oxygenta, Ambulance-ka, shaqalaaha caafimadka qalabkoodi (PPE)oo aaney wada helin, ama madaxadu ay xidhanayso).

 

Markaad eegto madmadowga xisaab-celin la’aanta gudidan iyo wasaaradda horumarinta caafimaadka dul hoganaysa, iyo  jawaabaha aan maangalka ahayn,oo noqday dhiilo culus oo sii burburin kara kalsoonidii marka horeba yarayd ee dadweynaha.

 

Kolka shacabweynaha ay ka lunto kalsoonida xukumadu waxa ka dhalan karta in aan dhagba jalaq loo siinin  fariimaha iyo amarrada ka soo baxaya dhakhaatiirta wasaarradda caafimaadka iyo gudida heer qaran, loona arko mashruuc iyo ku macaash.

 

Taasi waxay keenaysa, in ganacsatadu niyad-jabto kuna dhiiran wayaan taakulaynta dadkooda,  iyo in cudurka halista ahi  inagu sii faafi si bila xad ah,dad iyo duunyna inaga saameyo.

 

Sidaa daradeed, Madaxweynaha waxa la gudboon hadday iscasili waayan inu kala diro(sack them), gudi kooban oo daacad ah, tayo lehna so xulo ama dusha u rito eedaha iyo talo xumidooda.

 

Cabdiraxmaan Jiciir

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker