MAXAA KALA QABSADAY ABIY AXMED IYO VILLA SOMALIA!

Abiy Axmed: Hello
Villa Somalia: Hello waa kuma
Abiy Axmed: Waa RW Abiy, madaxweyne Farmaajo ma ii gudbin kartaa
Villa Som: Madaxeynihii waa mashquul Facebook buu ku jiraa qolyihii siyaasadda dhanka FB ayaa wax la isla gorfaynayaa hadda. Mar hadduu FB ku jiro cidna lama hadlo.
Abiy Axmed: RW Khayre igu xidh haddaba
VIlla Somalia: Inyar isug aan khadkiisa eegee
Abiy Axmed: Haye
Villa Somalia: RW Khayre waa mashquul saamiyadii shidaalka (shares) ayaa kor u kacayoo sammiyuu iibsanayaa, qoladii Soma Oil  iyo Spectrum ayaa sannadka cusub u diyaar garoobaysa isbeddelka la filayo iyo saamiyada waxa lagu iibinayo.
Abiy Axmed: Fahad iigu gudbi khadka haddaba.
Villa Somalia: Fahad hadduu iga baxay wuxuu arrimo xaasaasiya kula jiraa qoladii Qadar. Xafiiska irridahaa u xiran cidna uma geli karto. Telefoonkiisuna waa mashquul, laga yaabee inuu sirdoonka Qadar la hadlayo.
Abiy Axmed: Wasiirkii Amniga isaga ma helaysaa?
Villa Somalia: Isug hadda aan tijaabiyee.  Wasiirkii qolyo ka soo dalbaday qandaraas waardiyeyaal ayuu u diyaarianyaa inuu kambanigiisa cid uga raadiyo.
Abiy Axmed: Bal ii gudbi haddaba wasiirkii Maaliyadda.
Villa Somalia: Wasiirkaasi heli maayo oo ayaamahanba wuxuu kala habaynayey xisaabihii akoonadiisa ee Turkiga iyo Qadar. Sannadkii baa dhammad ahoo magacyadii uu akoonadiisa u isticmaalayey ayuu qaar garan waayey xisaabihiisii oo isku murugsan ayuu ku mashquulsan yahay.
Abiy Axmed: Bal taliyii Booliska ii dhiib isaga
Villa Somalia: Khadka ii hay aan eegee.
Abiy Axmed: Ishi
Villa Somalia: Taliyihii wuxuu shir kula jiraa dhallinyaradii ay isku xaafadda ahaan jireen reer Xamarkii hore iyo asxaabtii iskuulka 15 May.
Abiy Axmed: Okay, bal haddaba yarkii Booliska Banaadir heystay ii dhiib aan isga weydiiyo siday shalay wax u dhaceene.
Villa Somalia: Saadiq John aa, kistoo i sug
Abiy Axmed. Haye isaga ii dhiib.
Villa Somalia: Saadiq wuxuu dhahay dhallinyaradii Taksiileyda wada ahaan jireen ee reer London aa fasax ku timodoo, iyagii uu la baashaalayaa waqti ma haayo.
Abiy Axmed: Kii wasiirkii warfaafinta isaga ma helaysaa?
Villa Somalia: Wasiir Maareeye, haddaan kugu xiraa isaga.
Abiy Axmed: War bal isaga ii dhiib dhib baaban soo raadsadee
Villa Somalia: Wasiirkii wuxuu dhahay BK ayaa khadka iigu jira hadhoow igu soo celi
Abiy Axmed: Kuwii mucaaradka bal wax iiga raadi, madaxweynayaashii hore.
Villa Somalia: Bal aan Xasan Sheekh fiiriyo, sidaa u hay. Xasan waan helay wuxuu dhahay Sheekhna Shariif waaban wada fadhinaa arrimihii aan saxaafadda u soo badhigi lahayn ayaan u akhrinayaaye, RW Abiy u sheeg anigaa soo wacayee.
Abiy Axmed: Sheekh Sahriif isagu ma kula hadlay hadday Xasan ku wada fadhiyeen?
Villa Somalia: Maya isma maqal, laakiin Xasan baa warka u sheegay.
Abiy Axmed: Wixii Sheekh Shariif ku jawaabay markaa Xasan ma kuu sheegay?
Villa Somalia: Haa, Sheekh Shariif wuxuu dhahay qoladii Ceelbuur joogtay baan la ballansanahay inaan waco, markaan Xasan Sheekh kala tagno, hadda waqti aan cid kale kula hadlo ma hayo.
Abiy Axmed: War illeyn yaab, bal kuwii maamul-goboleedyada iyaga isku day inaad ii gudbiso, kii Deni ahaa bal wac.
Villa Somalia: Bal hadda haay, mobile-kaan ka wacayaaye. Waan helay Deni wuxuuna dhahay Cumar Cabdirashhiid  iyo Safiirkii Imaaraadka ayaan hadda wada hadlaynaaye waa inoo saacad ka bacdi.
Abiy Axmed: Denina ma ila hadli waayey! Waxaad yeeshaa bal kii Muuse Biixi isku day.
Villa Somalia: Muuse Biixi aniga xiriir lama lihi, laakiin waxaan wacayaa Raysalwasaare kuxigeen Mahdi, intaa ma ii dulqaadan kartaa.
Abiy Axmed: War intii ka badnaydba sugaye bal isaga iigu danbeeyee isku day inaad hesho.
Villa Somalia: Mahdi waan helay, Muusena wuu wacay. Wuxuu ii sheegay in Muuse yidhi qolyihii xisbiyadaa ayaamahan igu biyo keenayoo iyagii baa hadda ila jooga oo aan “la meeraysanayaa”. Subixii buu ku soo wixi doonaa.
Abiy Axmed: Kii mucaradka ahaa ee ina Cabdishakuur bal isaga ku fiiri.
Villa Somalia: Haye, isaga waa sahlan yahay inaan helo ee inyar kor u hay. Wuu iga qabtay wuxuuna dhahay dhallinyaradii 1991 ayaan kulan kula jiraa hadda.
Abiy Axmed: Ittaa baata qushaasha, Somali kulli, kulli leebo!
 Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker