Madaxweynihii hore ee Mareykanka George HW Bush Oo Geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday da’da 94 jir, sida uu shaaca ka qaaday wilkiisa, George W Bush oo isna madaxweynaha kasoo noqday dalkaasi.

George W Bush ayaa geeriyooday sacadda dalkaasi marka ay ahayd 22:10 oo ku beegneyd saaka wakhtiga bariga Afrika. sida uu sheegay afahayeen u hadlay qoyska.

 

Wuxuu ahaa madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka sanadihii 1989-kii iyo 1993-dii.

Xilliggii uu ka talinayay Mareykanka waxaa lagu tiriyaa markii uu soo afjarmay dagaalkii qaboobaa iyo dagaalkii ugu horreeyay uu Mareykanka ku qaaday madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseen.

 

Sanidiihii u dambeeyay xaalad caafimaad darro ayuu la il darranaa balse waxaa uu suurogashay inuu kasoo dhex muuqdo bulshada.

 

Bishii April,waxaa la geeyay isbitaal ,waxaana la sheegay inuu qabay xannuun dhanka dhiigaha ah, Xaaskiisa, Barbara ayaa toddobo bilood ka hor geeriyootay.

George Bush Jr oo isagana noqday madaxweynihii 43-aad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in aabihiisa uu geeriyooday isla markaasna sheegay inuu ahaa aabe wanaagsan oo lahaa dabeecad.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker