Waa qormadii sadexaad waxaynu kaga hadli doonaa madaxweynihii sadexaad JSL

weriye shiine

Waa qormadii sadexaad waxaynu kaga hadli  doonaa madaxweynihii sadexaad ee soo maray soomaaliland mudane daahir riyaale kaahin inagoo wax yar uun ka soo qaadan doona.

mudane daahir riyaale kaahin waxa uu ahaa madaxweyene ku xigeenkii waqtigii ina cigaal waxaana madaxweyne loo doortay markii uu geeryooday alle haw naxaristee marxuun maxamed x ibraahin cigaal 2002.

Doorashadii dalka ka qamsoontay 14april-2003 oo ay ku tartamayeen sadex  xisbi qaran oo kala ahaa udub oo musharax u ahaa daahir riyaale kaahin, kulmiye uu musharax u ahaa axmed siilaanyo,ucid oo musharax u ahaa faysal cali waraame,waxaana doorashadaa ku guulaystay xibigii udub musharaxoodii mudane daahir riyaale kaahin,isagoo musharaxii xisbiga kulmiye mudane axmed maxamed siilaayo kaga adkaaday 217 cod oo keliya.

Mudane daahir riyaale kaahin mudadii uu xilka hayey wax uu qabtay afar doorashooyin oo kala ahaa doorashadii golayaasha deegaanka ,tii baarlamaanka ,doorashooyinkii madaxweynaha oo labo jeer ahayd,doorashooyinkaa uu qabtay waxay ahaayeen kuwo taarikhi ah islamarkaana wax rabshado iyo buuq ahina kama dhalan,iyadoo beeshe caalamkuna ku amaaneen qaabkii loo maamulay doorashooyinkaasi

Madaxweyne daahir riyaale kaahin mudadii uu majaraha dalka hayey waxa uu ahaa nin qadiyada soomaaliland ay aad ugu adagtahay,waxaanu iska fogeeyey inuu wax wadahadal ah lagalo dawlada soomaaliya inta ay diidanyihiin madax banaanida somaaliland,waxaanu go,aansaday in dalkan iyo dadkiisaba loo sameeyo ciidamo qaran oo tayadood sarayso oo ku filan ,islamarkaan ka difaaci kara cid kastoo isku dayda inay wax yeelayso qaranimadiisa ama madaxbanaanidiisa,waana ta keentay inaynu yeelano ciidamo milateri oo xoog badan oo  suga xuduudaha aynu la leenahay dawladaha aynu jaarka nahay ee ay ka mid tahay somaaliya.

Mudane daahir riyaale kaahin wax uu ku guulaystay inuu gaadho xuduudaha aynu la leenahay maamulka putland oo ka tirsan dawlada soomaaliya, waxaana deegaanad gobolka sool oo ka mid ahaa dhulka soomaaliland waqtigaasi haystay oo xukumaayey maamulka putlanad,waxaan gobolkaasi loo diray cutubyo ka tirsan ciidamad qaranka soomaaliland oo halkaasi uu dagaal qadhaadhi ku dhex maray ciidamada soomaaliland iyo kuwa putland , waxaana markii danbe ciidamad somaaliland u suurta gashay inay cagta mariyaan ciidamadii putland sidaasna ku gaadhaan xuduuda aynu la leenahay soomaaliya oo ay ilaa maanta ku suganyihiin.

Sidoo kale mudane daahir riyaale waxaa u suurta gashay inuu dalka u sameeyo passbort aynu leenahay oo lagu tegi jiray dalal badan oo aduunka ah oo u badnaa Africa  oo tiradooda lagu qiyaasi jiray ilaa 54 dawladood.

Mudane daahir riyaale mudadii uu talada dalka hogaaaminaayey waxa uu soomaaliland u sameeyey dawalada badan oo saaxib dhaw la lahaa oo ka taageeri jiray dhinaca doorashooyinka dhinca horumarka iyo weliba tayeynta ciidamada, kuwaas oo ay ka mid ahaayen wadamad aynu jaarka nahay sida jabuuti,keenya iyo wadanka Ethiopia.

Sidoo kale wax uu horumar la taaban karo ka sameeyey dhinac arimah diblamaasiyad dibada oo waqtigii ina riyaale ahayd marki inoogu dhawayd inaynu ictiraaf ka helo beesha caalamka,taasna waxaa daliil u ahayd in markii ciidamad amisom la keenay soomaaliya inay dawlada soomaaliya soo jeedisay in ciidamo ka mida ah amisom loo diro gobolka sool oo ka tirsan soomaaliland iyagoo marmarsiiya uga dhigaaya inay halkaasi ku dagaalamayaan labo maamul oo kala ah soomaaliland iyo putland,arintaasi waxaa ka soo horjeestay oo markiiba ka hadlay wadanka Ethiopia oo xiriir wanaagsani ka dhexeeyey dawladii ina riyaale .

wasiirkii arimaha debada ee Ethiopia ayaa ku dhawaaqay inay is garab taagi doonaan dawlada soomaaliland, islamarkaana ciidamadood amar ku haystaan inay gudaha u galaan oo ka garab dagaalami doonaan ciidamada somaaliland hadii laysku dayo in nabad gelyada ka jirta soomaaliland la waxyeeleeyo, hadalkaa ka soo yeedhay wadanka Ethiopia waxaa uu dabada dhulka ugu dhuftay dawlada soomaaliya iyo amisom.

Sidoo kale xukuumadii ina riyaale waxay ku guulaysatay inay beesha caalamku inadhaha ku soo jeediyaan soomaalind, kadib markii ay booqasho taarikhi ahayd ku timid dalka, kaaliyihii xoghaya arimaha dibadda maraynka u qaabilsanayd Africa,mrs jandayi frazer 2008

Inkasta oo ay Jendayi Frazer, saacado kooban joogtay magaalada Hargeysa, haddana socdaalkeedu waxa uu reebay aragti diblomaasiyadeed oo indhaha Caalamka ku soo jeedisay Somaliland. Warbaahinta ugu caansan dunida sida AP, AFP, Reuters, Aljazeera, Washington post iyo kuwo kale oo magac leh ayaa si hufan u baahiyay safarka Jendayi Frazer ee Somaliland, iyagoo qaar ka mid ah warbixinaha ay baahiyeen ku ladhay tacliiq iyo aragtiyo diblomaasiyadeed oo ku waajahan safarkeeda soomaaliland iyo sida ay siyaasadii maraynku isu bedeshay, waana markii inoogu horaysay inooguna danbaysay ee sarkaal derajaadaasi lihi oo maraykanka ahi yimaado soomaaliland.

Waxaa kaloo xukuumadii ina riyaale si wanaagsan u kaantarooli jirtay isku bedelka lacagaha shilin soomaaliland iyo doolarka oo waqtigaas fadhiyey, isagoo baankuna dusha ka ilaalin jiray inaanu doolarku kor u kicin,si aanu  markaasi hoos u dhac ugu iman shilin soomaalilad ,halka ay haatan xukuumadihii kala danbeeyey ee kulmiye tahali kariwaayeen inay xakameeyaan qiima dhaca ku yimid shilil soomaaliland iyo weliba sixir bararka aafeeyey bulshad reer soomaaliland.

Sidoo kale xukuumadii ina riyaale waxay iyaduna ku fashilantay in wax ka qabato lacagtii shilin soomaaliga ahayd ee laga isticmaali jiray gobolo badan oo bariga ahaa oo ay ka mid ahayd togdheer ,sool sanaag,waxaana markii danbe gobolada togdheer iyo saanag lacagtaasi ka bedelay xukuumadii kulmiye ee uu hogaaminaayey siilaanyo.

Xukuumadii uu hogaaminaayey mudane daahir riyaale waxa uu xisbiga kulmiye ku eedayn jiray inay musuq maasuq ku kaceen islmarkaan ka horyimaadeen xoryotal qoolka mudadii uu talada dalka hayey, balse eedamahaasi waxay noqdeen kuwa aanay wax badani ka jirin markii loo eego musumaasaqii baahsanaa,hantidii umadda ee laboobay,qabyaaladii oo xadhka goosatay,dalkii oo lawada iibshay iyo weliba xoriyatal qawlkii oo ay ku tumatay xukuumadi kulmiye bale maqaalkan ka xiga ayeynu kaga hadli doonaa hadii alle yidhaahdo.

Mudane daahir riyaale waxa uu ahaa nin afgaaban,dhawrsoon,dulbadan, wax bixintiisu may badnayn ,waxaase la sheegaa inuu waxoogaa aan badnayn oo aduunyah ka urursaday mudadii uu xilka hayey, inta badan hadaladii deel qaafka iyo cayda u badnaa ee ay ku gani jireen xisbiyadii macaardku waxa uu kaga jawaabi jiray si tudhaale leh.

Mudane daahir riyaale kaahin waxaa lagu xasuustaa inuu yahay aabihii dumuquraadiyad soomaaliland seeska u dhigay,waana madaxweynihii ugu horeeyey ee si dimiquraadiyad loo doorto ,islamarkaan xilka u wareejiya si dimiquraadiyad ah.

Hadaladii ugu xusuusta badnaa ee uu xisbiyadii macaaridka uu ku ganay daahir riyaale waxaa ka mid ahaa .

Dhuuso geel mana baaqato mana urto

Soomaaliland cid u talisa ayey u baahan yihiin ee cid u abtirisa uma baahna.

Dardaarankiisii ugu danbeeyey markii uu xilka ku wareejinaayey siilaanyo wuxuu ku yidhi waxaan manta kugu wareejinayaa dal nabdoon iyo dad walaal ah oo gogol kuwada fadhiya min daraf ilaa daraf.

Lasoco madaxweynihi afaraad ee soo mara soomaliland mr siilaanyo.

 

 

maxamuud maxamed

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker