Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubad AUN, Xaqiiqdii Marxuunku Waa Maktabad Ka Dhimatey Afka Somaliga Ku Hadasha, Marxuunku Isaga Oo Nool Waxay Somalidu Isku Raacday Inuu Yahay Aabihii Fanka Iyo Suugaanta Casriga Ah, Taasoo Ku Muteystey Curinta Iyo Hibada Uu Ilaahey Siiyey Ee Ku Saabsan Fanka Iyo Suugaanta, Abwaanku Waxeynu Ku Xasuusan Doonaa Suugaantii Dhaxal Galka Ahayd Ee Uu Inooga Tegay Oo Aynaan Weligeen Dhamaayn Doonin,
Waxaynu Buugan Ku Qaada Dhigaynaa Taariikh Nololeedkii Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubad Iyo Sugaantii Alle Ha U Naxariiste Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubad ,Inagoo Ku Bilaabi-Doona Hab Nololeedkiisa,Wuxuu Ku Dhashay Tuulada Bahal-Dhaman Ee Degmada Salaxley Oo Ka Tirsan Gobolka Hargeysa, Waxaanu Dhashay Sanadku Markuu Ahaa 1928-Kii, Sida Taariikhdu Xusto Abwaanku Wuxu Fanka Bilaabey Yarantiisii , Wakhtigii Gobanimo Doonka Heesihii Iyo Riwaayadaha Waay Ahayeen Kuwo Af-Giriisi Iyo Carabi Isku Jira, Abwaanku Waxa U Ka Yimid Miyiga Salaxley Isagoo Dhawr Iyo Toban Jir Ah , Waxaan Yimid Hargeysa Oo Ka Bilaaby Waxbarashadiisii Dugsi Hoose , Dhexe Iyo Sareba Waxa Uu Ku Qaatay Hargeysa , Markii Dhammaystay Waxbarashadiisii , Wuxuu Shaqo Ka Bilaabay Dawladda Hoose Hargeysa Isagoo Noqoday Darwal , Muddo Ka Dibna Wuxuu Ku Biiray Qolo Ka Shaqaynasay Jiloojiga (Qaybta Baadha Dhagax Iyo Iwm) Sanadku Markuu Ahaa 1963-Kii Ilaa 1969-Kii , Waa Uu Isku Dhex Wada Jiray Samaynta Heesaha, Ruwaayadaha Iyo Shaqadaba , Abwaanku Waxa Isku Darsaday Aqoon Iyo Abwaanimo,Ka Dibna Waxa Uu Iska Tagay Shaqada , Waxaan Si Rasmi Ah Kugu Biiray Ciidamada Badda Ee Berbera Sanadku Markuu Ahaa 1969-Kii, Waxaanu Ciidankaas Badda Ka Mid Ahaa Laba Sanadood Ka Dibna Waa Uu Iska Tagay , Wuxuu Ku Jiray Ciidamadii Oo Uu Ka Soo Wareegay Kuna Biiray Kooxdii Hobolada Waabari Kooxdaasi Oo Loo Yaqaanay Hooyadii Fanka
Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubad , Wuxuu Dhalasho La Wadaagay Lix Isku Jira Saddex Wiil Iyo Laba Hablood – Oo Kala Ah Xasan Aw Faarax Dubad , Axmednuur Aw Faarax Dubad, Maxamuud Aw-Faarax Dubad, Caasha Aw Faarax Dubad , Ceebla Aw Faarax Dubad, Dhammaantood Waa Ay Wada Dhinteen Marka Laga Reebbo Xasan Aw Faarax Dubad Oo Imika Ku Nool Dalka Maraykanka , Waxaana U Weyna Alle U Naxariiste Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubad, Abwaanku Waxa U Dhaxday Afar Dumar Ah , Oo Kala Danbeeyay , Waxayna Kala Yihiin Faadumo Xaashi Nuur ( Faadumo Amaano) Carfi Cabdilaahi Cisman Iyo Saynab, Abwaanka Ilaahayna Ka Siiyay Dumarkaa Uu Guursaday Laba Wiil Oo Laga Kala Yidhaahdo Cabdi Xuseen Aw Faarax Iyo Cabdiraxmaan Xuseen Aw Faarax
Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubad Wuxuu Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho, Waxaana Lagu Aasaasay Isla Magaalada Muqdisho Sanadku Markuu Ahaa 1999-Kii Iyada Markaas Ay Ahayd Maalmihiii Ay Ugu Xumayd Xamar Ee Dagaaladu Ka Socodeen,
Abwaan Xuseen Aw Faarax Oo Ka Waramaya Taariikhdiisii Waayo Kamid Ah Nololshiisa, Waraysiga Waxa Ka Qaaday Suxufiga Yusuf Xasan Wuxu Ahaa Sanadku Markuu Ahaa 1996-Kii Oo Hore Muddo Uga Tirsanaa Laanta BBC Somali, Hadana Kamid Ahaa Hawlwadeenada Wargeyska Ama Majalada Xaqiiq Times Ee Muqdisho Ka Soo Baxda