WAR-SAXAAFADEED : Beenin Sheegasho Xubinnimo Dalladda SSE iyo Abaal Marinno Been Abuur Ah

Dallada guud ee jaaliyadaha Somaliland ee Yurub ee loo soo gaabiyo SSE, oo kulmisa ururro jaaliyadeed badan oo waddamada Yurub ka dhisan, waxa la aasaasay sannadkii 2001. SSE waxay u furan yahay cid kasta oo danaynaysa u ololaynta iyo ilaalinta qaddiyadda qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ay ka noqon karaan xubin haddii ay buuxiyaan shuruudaha u yaalla dalladda.

Guddiga fulinta SSE waxay hay’adaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku jiraan xisbiyada mucaaradka iyo dhammaan ummada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan dalka iyo dibeddaba u direysaa farriin ah inay soo baxeen dad qurbo joog ah oo ka been abuurtay ka mid ahaansho dalladda SSE, isla markaana sameeyay shahaadooyin been abuur ah.

Shaqsiyaadkaasi sheegtay magaca jaaliyadda SSE waxay bishan August 25dii shahaadooyin sharaf been abuur ah guddoonsiiyeen (1) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL, Aadam X. Cali Axmed, (2) Guddoomiyaha xisbi mucaaradka UCID, Eng Faysal Cali Xuseen, (3) Wasiirka Horumarinta Beeraha, Axmed Mu’min Seed iyo (4) Wasiirka Hawlaha Guud, Cabdirashid X. Ducaale Qambi.

Guddiga fulinta SSE wuxuu ka xun tahay in madax qaran oo mudnayd in lagu sharfo abaal marin rasmi ah, lagu khiyaamo shahaado bililiqo ah.

Guddida fulinta ee SSE waxay khaasatan wax laga xumaado u aragtaa in fal dambiyeed marag ma doonto ah lagu ceebeeyeeyay sharafta maxkamadda sare ee JSL ee ilaalinaysay ku dhaqanka sharciga guud ee qaranka. Guddigu waxay Xeer Ilaaliyaga Guud ee qaranka JSL ugu baaqaysaa inay ciddii gashay fal dambiyeedkaa dacwad lagu soo oogo si waafaqsan qodobka 383 ee Xeerka Ciqaabta Guud oo ah sheegasho khiyaano cid aanad ahayn.

Waxaannu madaxda sharafta leh ee qaranka JSL uga digaynaa cid kasta oo ku qadhaabata magacyo ururro aanay ka tirsanayn.

 


Somaliland Guul
Gudidda Fulinta Dalladda Somaliland Society in Europe, (SSE)
Contact: ssediaspora@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker