Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida oo Gaadhay Deeganka Dagaalku Ku Dhexmarayo Cidamdiidsa iyo Kuwa Alshabaab

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa gaadhay degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer si uu u dhiirigeliyo Ciidamada Deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab. Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in Ciidamada Liyuu Boolisku ay gacanta ku dhigeen Gaadiid dagaal oo Al-shabaab wadatay iyo maxaabiis balse weli dagaalka lama soo afjarin. Kooxda Al-shabaab oo la sheegay in ay wateen markii ay gudaha Deegaanka soo galeen ilaa 16 Gaadhi ayaa Halbeegoodu ahaa in ay galaan kaymo ku yaalla Deegaanka si ay dhufays uga dhigtaan balse Ciidamada Liyuu Booliska ayaa ka leexiyay badh-tilmaameedkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker