Guur wadareed la qorsheynayay in la isugu guuriyo illaa 100 agoon ah oo la joojiyay
Sida la qorsheeyay guur wadareed illaa 100 agoon ah la isugu guurin rabay dalka Nigeria ayaa la joojiyay kaddib markii ay soo shaac baxday dood la xiriirta daahfurnaanta habka loo maamulay qorshaha.
Meherka, oo la qorsheeyay in uu dhaco dhimmaadka bishan, ayaa waxa maal galiyay Cabdulmaalik Sarkindaji oo ah afhayeenka golaha muslimiinta gobolka waqooyi-galbeed ee Nigeria.
Guurkan ayaa loogu talagalay agoonta xubnaha qoysaskooda ku waayay weerarrada burcadda hubeysan.
Waxa soo baxay cambaarayn ku aadan in hablaha qaar ay daโyar yihiin, isla markaana la qasbay iyadoo la eegayo fursado dhaqaale.
Laakiin golaha imaamyada Nigeria ayaa sheegay in guur wadareedku dhici doono 24 May ee nagu soo socota, waxayna ku adkeysteen in gabdhuhu aanay daโyar ahayn oo ay daโda guurka gaareen.
Daโda hablaha durba lama ogaan.
Wasiirka haweenka Nigeria Uju Kennedy-Ohanenye ayaa cambaareysay qorshahan, waxayna sheegtay in ay raadin doonto amar maxkamadeed oo lagu joojinayo munaasabadda guur wadareedka.
U dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadamaha ee Nigeria ayaa iyana sheegay in ay qaadi doonaan olโole lagu joojinayo guur wadareedka.
Kaddib qaylo dhaanta ka soo yeertay bulshada, ayaa afhayeen Sarkindaji waxa uu ku dhawaaqay in ay dib uga joogsadeen xafladda meherka.
Qaar kamid ah dhalinta dooneysay guurkan, oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa difaacay barnaamijka guur wadareedka.
Guur wadareedka ayaa badanaaba caadi ka ah qaybaha muslimiinta ee waqooyiga Nigeria.