Tababarahii Kooxda PSG oo Shaqadiisii Ku Waayay Waraysi Uu Bixiyayo

Ka dib Markii la Daawaday Waraysi uu Thomas Tuchel bixiyey, waxay Taageereyaasha iyo inta ku xidhan ciyaaruhuba sugayeen jawaabta ay bixin doonto PSG,
Waxaana ugu dambayntii ay Natiijadu noqotay in saacado Gudahood shaqada lagaga caydhiyo.

 

Tuchel ayaa waraysiga uu bixiyey waxa uu ku sheegay inuu dareemayo in kooxdiisa PSG aanu ka helin amaantii uu ka filayay markii uu keenay finalka Champions League bishii August oo ay Bayern Munich koobka 1-0 kaga qaadday.

 

Tababare Thomas Tuchel oo u warramayay wargeyska Jarmalka kasoo baxa ee Sport1, waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan arrimo kale oo ku kellifaya in aanu ka fikirin inuu waqti dheer sii ahaado tababaraha kooxdan,

 

Isagoo xusay in shaqadiisa loo haysto sidii ay tahay Boos Siyaasadeed oo aan loola dhaqmin sidii Tababare ciyaareed oo kale.

 

Isaga oo ka hadlayay su’aal laga weydiiyey finalkii Champions League, waxa uu Tuchel yidhi:
“Waxaanu u baxnay ciyaar aanu ku Guuleysanaynay Champions League,

 

Laakiin anigu marna ma dareemin inaanu helnay amaantii aanu u qalmaynay. Taasi waxay mararka qaarkood igu abuurtay murugo iyo niyad-jab.

 

“Halkanna ugama dareemaysid inaad ku guuleysatay horyaalka, si la mid ah Bayern Munich marka ay koobka qaaddo, tusaale ahaan.

 

“Waxa aan qiyaasayaa inay taasi tahay wajiga kooxda oo rajooyinkeedu ay sarreeyaan.”

 

Mar uu ka hadlayay ciyaartoyda uu tababaraha u yahay iyo loollanka kooxda dhexdiisa, waxa uu Tuchel yidhi: “Mararka qaarkood aad ayay u sahlan tahay, mararka qaarkoodna waa caqabado waaweyn.

 

“Waxa ugu weyn waa sabab la xidhiidha saamayn ka badan kooxda oo ku saaran. Way adag tahay inaad farxad ku ilaaliso ciyaartoyda waaweyn, taas ayaana muhiim ah – inaad awood u yeelato inaad wax ka dalbato iyaga.

 

“Waxay ila tahay inay wax laga xishoodo tahay in bandhigga cajiibka ah ee ay ciyaartoydu muujiyaan, laga tirtiro. Inta badan dadku waxay sheegaan inaanu u guuleysanay sababtoo ah Angel di Maria, Kylian Mbappe ama Neymar.

 

“Laakiin dadku ma qiimeeyaan shaqada iyo ciyaarta aanu soo bandhignay.”

 

Thomas Tuchel waxa kale oo uu tilmaamay inay jiraan cadaadisyo kale oo saaran, waxaanu yidhi: “Ugu dambaynta, kama warwari kartid waxa ay dadka kale kuu haystaan. Waa inaad naftaada aaminto oo aanad ku xidhnaanin waxa ay dadka kale soo ogolaadaan.”

 

Thomas Tuchel waxa kale oo uu ka hadlay qorshihiisa shaqada PSG, isaa oo yidhi: “Anigu kaliya kubadda cagta waan jecelahay, waa koox iska noocan oo kale ah oo kaliya aan kubadda cagta ku koobnayn.

 

“Maalmaha qaarkood waxa dhibaato weyni ka timaaddaa hal beddel oo aan sameeyey.

 

“Kaliya waxaan doonayaa inaan tababare noqdo. Meel kastana waan ka noqon karayaa. Xataa qayb garoonka dhexdiisa iyo inaan daawado DVD. Laakiin, marka aad maqasho heesta Champions League ama aad tababarka ku aragto tayadaas oo kale, maaha wax adiga ku farxad gelinaya.

 

“Waa sababtaas midda ay kooxaha waaweyni ugu foogan yihiin tababareyaasha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker