Qaranimadii Somaliland oo shaashawday IYO sababaha

Qaranimadii Somaliland oo shaashawday IYO sababaha:

1.Ethiopia oo Boqol sano in ka badan boqol sano k u taamaysay inay Dekadda Saylac la wareeegto oo ay manta ugu darantahay.
2.Ku dhawaaqista Madaxweynaha in doorashada xisbiyada la soo hormarinayo.
3.Djibouti oo aqoonsiga Somaliland ula mid tahay geeri Djibouti ku timi.
4.Cudurka : “Coronovirus” oo adduunka Farobaas ku haya iyo |Xukuumadda Somaliland oo iska barjaynaysa.
5. Somaliya oo awoodeedii isugu geysay inaan Somalaildn jirin.

SHAASHADA 1 WAAD
Ethiopia iyo Dekadda Saylac
Sida taariikhda dahsooni qorayso Boqor Xayle salaase wuxuu Ingriska wediistay 1946kii in UU siiyo Dekadda Saylac. In giriis waa diiday waxaannu siiyay dh ulkan imika loo yaqaan kilal shanaad oo markaa
Loo bixiyay “ Houd & Reserve area” . He shiiska waxaa ka mid ahaa in Dhulkaas oo ay degenyihiin xoolo dhaqatada Somaliyeed inay nabad gelyo ku joogoon oo ay dawladda Ethiopia ay si wanaagsan u xanaanayso. Ethiopia oo ka badan boqol malyuun ayaa waxaa badda cas kaga gudban saddex waddan oo 9 miyal ku nooshay.
Dalalka Ereteria iyo Djibouti Ethiopia hunguraynmayso . Halkay weligeed isha ku haysaa oo Dekadda Dekadda Saylac
Xidhiidkha Farmajo iyo Dr. Aby waxaa qorshihiisu yahay in Somaliland dib loogu soo celiyo Somaliaya dabeedna la galo qorshihii Ethiopia kula wareegi lahayd SAYLAC, AYADA OO Ethiopia dhisatay ciidan badeed xoogan oo badda cas fadhiya /Fadhiisandoona.
Ethiopia waxaa caalmku u aqoonsanyahay Dawladaha ugu waaweyn Africa. Xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland ee saldhiga u tahay DP world waxaan isleeyahay waxba ka bedelimaayo DAMACA ETHIOPIA EE SOO JIREENKA AHAA eek u saabsan Dekadda Saylac.

SHAASHADA 2Aad.
Ku dhawaaqista xisbiyo cusub:
Waxay u muuqataa in Xukuumadda talada haysaa doonayso in meesha ka saarto labada xisbi qaran ee Waddani iyo Ucid markii ay diideen in Komishanka cusubi doorashada qabto.
Bulshada taageerta labada xisbi , oo kolka horeba aan ku kalsoonayn xukuumadda talada haysa, ayaa waxay ula muuqataa in xukuumaddo xaqoodii qaranimo aanay ogolayn, taasoo kalgacaylkoodi iyo jacaylkoodii qaranimo si weyn hoos ugu dhigtay.

SHAASHADII 3aad.
Somalia : Waxay is qaybiyeen Gobollo la baxay : Puntland,Jubaland. Hirshabeelle land,Galmudug land. Waxay sidaas u samaynayaan inay Jumhuuriyadda Somaliland canjilaan oo ay adduunka u baybaysadaan in Haddii Somaliland Go’do ayana ay Go’ayaan. Somalia Hawadii waa la wareegtay Adhigii wey joojisay , wixii dawlado iyo barlamaanno taageersana Somaliland way bedeshay.
Dagaaalkoodu kama yara kii Siyaad Barre.

SHAASHADA 4aad.
“Coronovirus” waa cudurka dilaaga ah ee addunka sida xun ugu fafaya iyo xukuumadda Somaliland iska barjaynaysa oo aan weli wax digniin ah bulshada siin. Bulshada waxaa ku waajib ah inayilaabo ilaahay baryaan inuu ka nabad geliyo dhibaatada cudurkan oo aanu soo gelin dalkeenna. Ilaahay barigiisa waxaa ka mid ah ducadan:
تحصنت بدي العزة ، والجبروت واعتصمت برب الملكوت وتوكلت على الحي الذي لا يموت ، اللهم اصرف عنا الوباء ، وقنا شر الداء بلطفك ورحمتك انك على كل شي قدير.
DJIBOUTI: Walaaladeen reer Jabuuti iyo reer Muqdisha necbaanshaha qaranimada Somaliland waa u simanyihiin.
KHasaaraha Somaliland ka gaadhay shan somaaliyeed doon way ka soo kaban , haddii eebe idmo.
Waxaa se la yaab leh: Dadka reer Jabouti waxay u naceen Somaliland oo illaa weligeed gaadh ka haysa laga bilaabo xorriyad doonisttii.

Tixdan jiiftada ah ayaa ku socota waaladeen reer Jabuuti,

Hussein Ismail Yusuf

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker