Qaramada Midoobay oo Soo Bandhigtay Warbixin Lid ku ah Qarannimada Somaliland

Qaramada Modoobay ayaa soo saartay war bixin ka dhan ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana lagu sheegay in deegaano ka tirsan Somaliland dagaalo ku soo fool leeyihiin oo cabsi badani ka jirto in ay dadku ka qaxaan.

 

 

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku-duba ridka qaadhaanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo OCHA ayaa shaacisay in gobolada Barriga Somaliland ee Sool iyo Sanaag maamulkooda lagu muransan yahay, isla markaana la filayo inay iska-horimaadyo dagaal ka bilaabmaan.

 

 

Warbixin ay hay’adda OCHA soo saartay bishan oo cinwaan looga dhigay Qorshaha Sool iyo Sanaag ee ka jawaabida iyo xalka xaalada degdega ah” ayaa lagu sheegay in shacabka ku nool degmooyinka gobolada Sool iyo Sanaag oo u badan dumar iyo carruur ay wajihi doonaan xaalado darran oo bani’aadminnimo, loona baahan yahay sidii loogu diyaargaroobi lahaa taageeradooda.

 

 

Hay’adda OCHA oo u xilsaaran isku-duwidda Qaadhaanka la siiyo Somaliland iyo Soomaaliya, kana madax-bannaan arrimaha siyaasadda ayaa warbixintan ay soo saartay meel ka dhac ku noqonaysaa sharafta shacabka Somaliland iyo xuduudaha dalkooda ee dastuurku caddeeyey. Waxaana warbixintan ka muuqda Map ay samaysay hay’addani oo gobolada Sool iyo Sanaag ay ku raacisay maamul goboleedka Puntland.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Somaliland ku doodayso in gobolada Sool iyo Sanaag ku yaaliin gudaha xuduudahii maxmiyadii Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana wakhtigan qeyb ka yihiin xuduudaha Somaliland, halka maamulka Puntland ku doodayso in bulshada ku dhaqan deegaanada Sool iyo Sanaag ay isku qabiil yihiin, sidaana ku hoos yimaadaan.

 

 

Shan degmo oo ka tirsan Sool iyo Sanaag, oo shan boqol iyo soddon kun oo qof ay ku nool yihiin, ayey sheegeen in ay halista ugu weyni soo wajahayso boqolkiiba todobaatan (70%) dadkaasi ka mid ah oo u badan dumar iyo carruur.
Warbixintan ayaa lagu sheegay deegaano ay saadaalinayaan in bulshada degan degmooyinka laga bara-kici doono oo ay dadkaasi ka qaxi doonaan, taasina si cad u muujinayso inuu jiro qorsheyaal qarsoon iyo dabino cadowga Somaliland maleegayaan oo muujinaya in dagaalo laga qarxiyo deegaanadan.

 

 

Halista ugu badan ee warbixintan ku yeelanayso siyaasada Somaliland ayaa noqonaysa inay abuurto shaki bulshada gobolada iyo guud ahaan dalka in dagaalo ka bilaabmi doonaan deegaanadaa, taasoo saamayn tabban ku yeelan doonta xaalada nabadgelyo ee guud ahaan dalka iyo wadajirka shacabka, hadaan degdeg talaabada ku haboon hay’adaha xukuumada ee qaabilsan uga guddan.

 

 

Waxa kale oo looga baahan yahay Somaliland in ay si cad wax uga waydiiso Qaramada Midoobay sababaha Hay’adaheedu wakhtiyo badan u soo saaraan warbixino ka dhan ah qarannimada Somaliland, isla markaana hay’addaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Somaliland ay si cad u dammaanad qaadaan in aanay mar dambe dhicin xad gudubyada qarannimada Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker