Waxay ahayd hooyo ayaan daran

“Waxa ka dhimatay xaaskiisii hore, waxa ay ka tagtay ilmo yar, markay dhimanaysay waxa ay saygeeda u dardaarantay in aanu ilmahaa yar dayacin ee uu daryeelkiisa u feejignaado.

Muddo ka dib ninkii waxa uu guursaday gabadh kale, caruur ayay u dhashay, had iyo jeer waxa uu shaqada ka iman jiray wakhti danbe, goor horena wuu u kallihi jiray, wakhti fiican oo uu ilmihiisa todoba jirka maraya kula sheekaysto ma heli jirin, markasta oo uu xaaskiisa wayddiiyana waxa ay u sheegtaa in uu fiican yahay oo ay daryeesho”.

Aad bay u adagtahay in ay hooyo aan hooyadaa ahayni booskii hooyadaa kuu buuxiso ama dhodhowayso, haddiiba ay ku dadaasho in ay sida Ilmaheeda kuula dhaqanto.

Run ahaantii agoonnimada dhabta ahi waa hooyo la’aanta!

“Ilmahaas rajayga ahi kuma uu haysan hooyadan cusub daryeel, taa beddelkeedana waxa uu ku noolaa hiifid iyo haaraamid joogto ah, cuntada gaar baa loo siin jiray, haddii uu nabar qarsoon oo gacanta ah ka baaqsado, maalinkasta carrabka iyo habdhaqanka ayaa damiirkiisa iyo dadnimadiisa lagu dhaawici jiray.

Galab qabow oo haamaday dhacayo, ayay xaaskii Aabihii ku xidhay barande danbe oo uu gurigu lahaa oo had iyo jeer ay ku xabbisi jirtay, markuu oohin dhammaystay, gaajo iyo qadhqadhyo uu jidhkiisa oo dhammi la gariirayay awdeed waxa uu galay xaalad suurid ah oo suuxid aan waxba dhaamin.

Marmar ayuu maqlayaa sanqadha debedda iyo gudaha guriga ka imanaysa, hase yeeshee dhaqaaq iyo dhawaq midna ma hollin karo!

Hooyadii ayaanka darrayd ma xasuusan ilmihii yaraa ee ay casarka dheer ciqaab ahaanta ugu xidhay qoldebedeedka dusha ka bannaan ee guriga (Balakon), sidaasna way ku seexatay.

Ammintii uu Aabihii iman jiray yimi, cashee oo iska seexay, goor saqdhexe ah ayaa la tusay xaaskiisii hore oo ku leh: “Inankeennii badbaadi, ammaanadii badbaadi”, wuu soo booday isaga oo naxsan, xaaskiisii ayuu wayddiiyey hebel mee?, waxa ay ugu jawaabtay waaka qolkiisii hurda, shaydaanka inta uu iska naaray iska seexay.

Markale ayuu ku riyooday xaaskiisii hore oo intii ku celinaysa, hebel, ammaanadii u gurmo oo badbaadi!
Markale soo bood oo gabadhii la hadal ilmihii ma hurdaa oo ma hubtaa? Kute: Su’aashu maxay tahay, shaydaanka iska naar oo iska seexo dhibi ma jirtee!

Sidiisii yeel oo inta uu shaydaanka iska naaray dhagtiisii ku noqoy, mar saddexaad ayuu ku riyooday xaaskiisii hore oo ku leh, dayacday ammaanadii Ilaahayna ii keen ee ogow!

Markaas ayuu inta uu booday aaday qolkii ilmaha yari seexan jiray, ka waa’ sariirtiisii, isaga oo argagaxsan ku soo noqoy xaaskiisii oo ku yidhi: Naa ma hurdo ilmihii ee mee? Inta ay naxday oo xasuusatay, soo boodday oo ku tiraabtay: “Isaga oo xaggaas balakoonka ku ciyaaraya ayaan ogaaye, tolow miyaannu soo gelin ba”!

Balakoonku gudahan ayuu ka xidhan yahay, si ismaqiiq ah oo miyir la u fur Aabihii isaguna nasiibka xumaa albaabkii xidhnaa, mise waa ilmihii yaraa oo sibidhkii barafka ahaa fidsan, oo qabow awgii tawafay, isla markaana naftii ka baxday !”
Sheekadan oo Afcarabi ku qoran mar hore ayaan meel ka akhriyey.

“HOOYO” waa kelmad dareen naxariiseed leh, qofka yaraan hooyo ku waayay ayuunbaa dareenkaasi qalbigiisa ruxi karaa, waxa nasiib daran isaguna qofka maanta hooyo haysta ee aan fursaddaas dhaadanayn, ogow waalidkaa waa jannadaada ama waa naartaada kaad doonto ka dhigo!
Allahayow qadarku iima saamixin in aan hooyaday la sheekaysto oo aniga oo markaas uun dabka ka baydhay ayaad oofsatay, Allahayow adiga oo ah deeqsi la mahadiyo waxa aan marti kaaga ahay in aad jannatal fardaws nagu kulmiso.

Ilaahay dhammaanteen hooyooyinkeen ha u naxariisto, kuwa noolna ha dhowro.

Allahayow annagana camalka suubban iyo khaatumada wanaagsan na waafajiyo.

@Dr-Abdulqani Hussein Beder

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker