DAAWO Faahfaahinta Xukun maxkamadda gobolka Maroodijeex ku ridday Boqor Buurmadow iyo Qodobbo loo cuskaday

Hargeysa (OWN)- Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa Maanta shan sano oo xabsi ah ku xukuntay boqor Cismaan Aw-maxamuud (Buur-madow), kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ka hor yimid qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Boqor Cismaan Buur-madow ayaa Todobaadkii hore ay ciidanka boolisku kasoo xidheen huteel magaaladda Hargeysa ku yaalla, waxaana maalin kadib lagu sii daayay damiin.

Boqorka ayaa lagu eedeeyay hadalo ka dhan qadiyada Somaliland oo uu ka jeediyay madal lagu caleemo saarayay beel daajiye oo ka dhacday Puntland, halkaasi oo isaga iyo xubno bahda dhaqanka ah oo reer Somaliland ah lagu martiqaaday.

https://youtu.be/NJLkI52xasE

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker