Maxaa Ka Jira In Komishanka JSL Ay Maxakamadda Sare U Gudbiyeen Magacyada Saddex Xubnood Si Ay U Soo Kala Saaraan Cidda Buuxinaysa Jagada Kursigii Golaha Wakiillada ?

Hargeysa(OWN)- Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaan weli soo saarin cida buuxinaysa Kaalintii uu banneeyay Marxuum Ibraahim Axmed Haybe Kacaan oo dhawaan ku geeriyooday Hargeysa, kana Tirsanaa Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee ugu jirayxisbiga Kulmiye. Kaalintan ayaa waxa u taagan buuxintiisa Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees oo tiro ahaan isku xiga.

 

Sida aanu kasoo xiganay ilo wareedyo u dhuun-daloola guddida doorashooyinka Somaliland ayaa tibaaxay   in Komishanka Doorashooyinku ay Maxkamadda u gudbiyeen magacyada saddex xubnood  iyaga oo   dalbaday in ay saddexdaas xubnood oo dabcan aan magacyadooda la warbaahintu helin balse ay ilo wareedyadu tibaaxayaan in uu Xuseen Axmed Caydiid iyoMaxamed Musue Abees kamidyihiin ay  u soo kala saaraan cidda buuxibeysa kaalinta Xildhibbaanimo ee ka banaan Golaha Wakiilada Somaliland.

 

Lama garanayo sababta dib uu muranka kursigani ugalay maadaama ay dhawaan Komishanka Doorashooyinka,   markii murankani soo shaac baxay  ay sheegeen in Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid   uu yahay shakhsiga buuxinaya kaalintii Marxuumka eegolaha wakiillada sidaasina uu  buuqii iyo hadal hayntii kudameen hase ahaatee arrintan ayaa warku tibaaxay inay noqonayso muranka oo dib u istaadhma.

Guddida Komishanka Doorashooyinka Somaliland

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker