Waa kee Wadanka ku yaalla Qaarada Yurub ee ay Shacabkiisu Aadka U Neceb Yihiin Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ?

Sanadkan Donald Trump wuxuu ahaa Madaxweynaha Mareykanka Muddo Saddex Sano ah  , welina Caan kuma ahan Dadka iswiidhishka ah dhexdooda.

 

Warbixin ay Novus, oo ah Shirkad dhanka Cilmi baadhista ah , oo  Samaysay Cilmi baadhis  ayaa lagu ogaaday in Donald Trump aan sidaa looga jecleyn  dalka Sweden.

Waxaanay Daraasadu Sheegtay in Tobankii Qof ee Swedish ahba ay Badankoodu aanay Doonayn ama jeclayn Donald Trump.

 

– Hadaba marka la Eeego  Qaabka uu U  hadlo ayaa sii Xumaaday Sannadihii la soo dhaafay, markaa wax lala yaabo ma aha inaaney dad badan oo Iswiidhish ahi  sidaa u sii jecleyn, ayuu yidhi Sören Holmberg oo ah borofisoor Cilmiga Siyaasadda waxna ka dhiga  Göteborgs Universitet.

 

 

Dadka aan sidaa u jecleyn Donald Trump waa Dadka da’da ah ama Waawayn, Haweenka iyo dadka u Codeeya Xisbiyada Libaraalka iyo Bidixda. Waxa mida kale sii kordhaya dadka u codeeya xisbiyada Kristdemokraterna,

 

Moderaterna iyo Sverigedemokraterna ee diidan Donald Trump marka loo eego meesha ay ka taagnaayeen Saddex Sano ka hor.

Ugu dambayntii, Iswiidishka ayaa Aaminsan inay Haddii markale la Doorto   Trump   aanay Arrintaasi ahayn Wax fiican.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker