KAFTANKA SIYAASADA MAXAA KALA QABSADAY WERIYE KALAHAAYE IYO MADAXWEYNE FARMAAJO

KAFTANKA SIYAASADA
MAXAA KALA QABSADAY WERIYE KALAHAAYE IYO MADAXWEYNE FARMAAJO
Weriye kalahaaye: Madaxweyne farmaajo ii waran
Madaxweyne farmaajo ; Ku waramey ayaamkan aad baan u mashquulsanahay NOO
Weriye kalahaaye: madaxweyne ma badeenii Kenya inaga qabsatay baad
ku mashquushay tahay
Madaxweyne farmaajo: badaa keenya qaaday iyo waxaasi waa maa caleesh
Weriye Kalahaaye: hadaa madaxweyne ma xuduudkeenii bulaxaawo iyo
baardheere ee ee Kenya gidaarkii barlin kala dhex dhigtaa ku
mashquuliyey
Madaxweyne Farmaajo: waxaan ku iri taasina waa maacaleesh NOO
Weriye kalahaaye: hadaa madaxweyne Ma xal u helida xaalada nabad gelyo
ee muqdisho ayaa ku mashquulisay ayaamkan
Madaxweyne farmaajo: nabad gelyada iyo waxan aad ka hadlaysaa waa maacaleesh
Weriye kalahaaye: Jaalle madaxweyne Ma joogitaanka ciidanka afrikaanka
iyo dhibta ay shacabkeena ku hayaan ayaad ku mashquushay
Madaxweyne farmaajo : jaalle kalahaaye saaka anigaad igu soo kalahdee
waxan aad ka hadlaysoo dhami waa maacaleesh
Weriye kalahaaye: madaxweyne iga raali noqo hadaan su,aalaha kugu badiyey
Madaxweyne farmaajo: soo koob su,aalahaaga horaan kuugu sheegay inaan
mashquulsanahaye
Weriye kalahaaye: hadaa madaxweyne ma xal u helida mashaqada maamul
goboleedadu ku hayaan dawlada dhexe ayaa ku mashquulisay
Madaxweyne farmaajo: taasina waa maacaleesh
Weriye kalahaaye: jaalle madaxweyne hadaa ma la dagaalanka
argagixisada jiif iyo joogba inoo diiiday ayaad ku mashquulsan tahay
Madaxweyne farmaajo: taasina waa maacaleesh
Weriye kalahaaye: hadaa ma ayaan darida ku dhacday magaalada
gaalkacyo ee labo maamul oo isdiidani khadka cagaaran kala dhex
dhigeen ayaad ku mashquushay
Madaxweyne farmaajo: gaalkacyo iyo waxani waa misqaala darati
Weriye kalahaaye hadaa ma sharciyadan iyo awoodahan iska hor iyo
daba imanaya ee madaxweynihii, ra,iisal wasaarihii iyo gudoomiyihii
baarlamaanku madaxa iskula jiraan een kala saareyn ayaa ku
mashquuliyey
Madaxweyne farmaajo : hadee maya ayaan ku iri Maxaa wacay hadaan
sharcigu shaqeynin jawaari ayaa joogi lahaa
Weriye kalahaaye: Jaalle madaxweyne hadaa ma waxaad ka fekeraysay
sidii looga faa,iidaysan lahaa roobabka guga iyo biyaha webiyada
shabeele iyo juba si xal loogu helo abaaraha sanad walba soo noqnoqda
Madaxweyne farmaajo: kkkkk qosol ka dib hawshaas waxaa ii qaabilsan
wasiirkayga beeraha
Weriye kalahaaye: hadal iyo dhamaan jaalle madaxweyne adigoo iga
raaliya waxaan ku mashquuliyey ee aad ka fekerayso manala wadaagi
kartaa

Madaxweyne farmaajo: Haa anaa kuu sheegaya waa xaalada ay ku sugan
tahay dekeda berbera waxaa jirtay sidaad og tahay waqooyi go’doon
buu ahaa mudo dhawr iyo labaatan sano ah albaab walba waa laga soo
xidhnay taasina waxay dhaxal siisay inay aqoonsi waayaan in qaarkood
halkan muqdisho noogu yimaadaan oo xilal u soo doontaan kuwo kalena
rajadooda u arkaan in midnimadii soomaaliya la soo celiyo laakiin
imika hadii imaraadku berbera degaan oo dekeda dhisaan xaaladu
farahay ka baxaysaa kuwii oo dhaqaale iyo awood inoo hela walaahi waa
laynoo yaabaa

Weriye kalahaaye: Madaxweyne dadkaasi waa soomaali haday tashadeen oo
horumarka dhulkooda ku tashadeen inaguna maynu horumarka dhulkeena u
tashano, maxaynu ugu mashquulaynaa mida kale soomaali wixii horumar
ah ee u soo kordha waa la wada leeyahee maxaynu uga carsha
carsheynaynaa horumarkooda maynu inaguna ku dayano
Madaxweyne farmaajo: adeer horumar ka hadlimayno ee waxaan ka
hadlayaa dawlada soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay ayuun baa
awood u leh inay heshiisyo gasho dadkaasi waa dadkii soomaali kala
gooyey ee dawladii dhexe ee siyaad barre riday ee gooni u goosadka ku
dhawaaqay intuu ilka cadeeyey hadee dagaalkii weli waa socdaa ilaa
inta ay ka soo noqonayaan waad og tahay golaha amniga iyo jaamacada
carabtaba waa gaadhsiinay faragelinta emarates rajo fiicana waa qabnaa

Weriye kalahaaye: madaxweyne farmaajo su,aashayda ugu danbaysa
miyaanad ogeyn dalka Taiwan inuu weli dalweynaha chine uu ka tirsan
yahay iyadoo weliba golaha amniga chine codka veto ku leeyahay oo 5
xubnood ee joogtada ah ka mid yahay in Taiwan caalamka ka heshay maal
gelin balaadhan oo ay dalkeeda ku dhistay oo horumar la taaban karo ku
gaadhay taa oo xataa wershado nuclear ah oo korantada dhaliya dhisatay
hadii caalamku cid ka dhegaysanayo in cid kale loo duleeyo ku hoos
jiristooda chine oo awoodiisa iyo dhaqaalihiisa aynu ognahay oo
caalamkoo dhan dano dhaqaale iyo dano siyaasadeed ka dhaxeeyaan ayaa
Taiwan go,doon ka dhigi lahaa oo horumar iyo maalgelin shisheeye u
diidi lahaa markaa madaxweyne talo xumo ayaanay idin qaadine waxaan
idin odhan lahaa dadkaas reer Somaliland godobtii hore yaan mid danbe
loogu darin

Madaxweyne farmaajo: jaalle kalahaaye adigu in dalka la kala gooyo ma
jeceshay nimankaasi waa gooni goosad dagaal dhinac kasta ah baana
naga dhaxeeya markaa dagaalkii uun baan wadaa ee wax kale maan dhibin

Dhamaad

jaamac cabdillaahi suleymaan
berbera somaliland
cigaal215@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker