Wax ka Baro Cudurkan Dunida Saamaynta Ba’an Ku Yeeshay ee Coronavirus,, Qalinkii Aqoonyahan Xuseen J Koosaar

 

Qalinkii  Aqoon Yahan Xuseen Jaamac Koosaar 

Wax ka baro Cudurkan Dunida saamaynta Ba’an ka gaystay ee Coronavirus(CoV). Coronaviruses waa koox cudur-dhaliyayaal ah kuwaas oo khadar baahsan gaadhsiin kara nolosha dadka iyo xayaankaba isla markaana si fudud iskaga gudbi kara qaaradaha dunida.

 

 

Hadab   Novel (new)   Coronavirus ( 2019-nCoV) oo ah Qayb Hoosaad ka mid ah fayraskan isla markaana ah nooca maanta (2020) dunida wada gaadhay ayaa waxa markii u horraysay lagu arkay bukaan uu haleelay bishii december ee 2019 magaalada Wuhan ee dalka China.

 

 

In kasta oo aan si cad loo xaqiijin halka uu uga soo gudbay cudurku bukaankan(mode of transmission) haddana waxa la aaminsan yahay in uu uga soo gudbay quudashada shimbiraha nooca loo yaqaan fiidmeerta (bats) oo uu fayraskani jidhkeeda ku qarsoonaa. Sida la xaqiijiyay maanta 31.jan.2020 tirada dadka uu saameeyay cudurkani waxa ay gaadhay 9000 oo qof, halka dhimashada cudurkan lagu qiyaasay 200 oo qof oo ku kala nool dunida daafaheeda. Qayb-hoosaadka Fayraskan. Waxa ilaa hadda la diwaan-geliyay in uu fayraskani leeyahay 7 qayboo

 

 

iyada oo lagu daray noocan cusub (2019-nCoV) ee maanta dunida oo dhan khatarta geliyay. 1.229E (alpha coronavirus) 2. NL63 (alpha coronavirus) 3.OC43 (beta coronavirus) 4. HKU1 (beta coronavirus) 5. MERS-CoV (the beta coronavirus that causes Middle East Respiratory Syndrome, or MERS) 6. SARS-CoV (the beta coronavirus that causes severe acute respiratory syndrome, or SARS) 7. 2019 Novel Coronavirus (2019-nCoV) Qaabab-ka uu ku gudbo cudurkani.

 

Cudurkani waa mid ku dhaca hab-dhiska Neef-mareenka isla markaana ku gudbi kara sidan. 1. Qufaca 2.Hindhisada iyo hawada tooska ah 3. Taabashada tooska ah 4. Quudashada hilibka iyo ukunta aan si fiican loo karin. Astaamaha lagu arki karo bukaanka cudurku helay. 1. Qandho 2. Qufac 3. Hindhiso 4. Hawo- qaa

 

 

dashada oo ku adkaata bukaanka.
5. Neef-qabataw
6. Kaliyaha oo shaqada joojiya
7. Dhimasho.

Bukaanka cudurkani hayo waxa uu astaamo lagu garto ku muujin karaa mudo u dhaxaysa 10-14 cisho, balse mudadaas ka hor waxa uu gudbin karaa cudurka wakhtiga uu cudurku jidhkiisa ku jiro.

 

 

Waddamada uu ilaa H

adda gaadhay cudurku.
Wadamo badan oo ku yaala qaarado kala duwan ayaa ilaa hadda laga xaqiijiyay dhimashada xudurkan sida, China, Itaĺy, India, Philippine, Finland, UAE, Germany, Sirilanka, Cambodia, Canada, Malaysia, Australia, Nepal, France, Vietnam, Singapore, Hong kong, Macau, Taiwan, US, Republic of korea, Japan, Thailand inkasta oo la sheegay bukaano looga shakiyay cudurkan in lagu hayo dalalka bariga afrika sida kenya iyo Ethiopia.

Ka hortagga iyo ka feejignaanta cudurkan.
Inkasta oo aanu lahayn wax daawo ah noolaha keenay cudurkani, haddana waxa jira habab badan oo looga gaashaaman karo khatartiisa caafimaad sida

 

1. In la joojiyay isku socodka dalalka cudurkan laga xaqiiyay iyo kuwa fayaw
2. Nadaafadda gacmaha oo aad loogu dedaalo
3. Gacan qaadka dadka oo la yareeyo
4. Afka iyo sanka oo la daboolo
5. Meelaha saxmaddu ka jirto oo aan la fadhiisan.
6. Ukunta iyo hillibka oo si fiican la iskaga kariyo.
7. Dadka cudurku haleeyay oo la karantiimo.

X/Q: Dr. Hussein Jama Koosaar Mohamed
Source: Hong

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker