Isku shaandhayn Lagu Sameeyey Xukuumadda Kililka 5aad Ee Itoobiya

Jigjiga (OWN)-  Shir ay yeesheen xubnaha gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo muddo laba maalmood ah socday ayaa lagu shaaciyey isku shaandhayn lagu sameeyey xukuumadda uuhoggaamiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar  ee Kililka Shanaad Ee Itoobiya. Shirkan oo uu   hogaaminayey gudoomiyaha X.D.Sh.S.I   Maxamad Rashiid Isaaq iyo Gudoomiye kuxigeenka X.D.SH.S.I ahna madaxweynaha DDSI mudane Cabdi maxamud cumar waxaa halkaasi lagu shaaciyey liiska isku shaandhaynta golaha wasiirrada/xoghayeyaasha maamulka Jijgjiga, kuwaas oo ka kooban   25 xubnood iyo 4 guddoomiye gobol. Waxaanay kala yihiin:

  1. FartuunCabdi Mahdi, Xoghaya/Madaxa maalliyada ee DDSI
  2. Axmed Cabdi, Wasaaradda Biyaha ahna xubin guddida fulinta.
  3. Cabdixakiin Cigaal Cumar, madaxa xafiiska PCDP ahna xubin golaha dhexe.
  4. Sucaad Axmed Faarax, Meesheedii lagama badalin [lama sheegin xilka ay haysay].
  5. Khadar Cabdi Ismaaciil, Madaxa xarunta golaha dhexe ee XDSHSI.
  6. XamdiAadan Cabdi, Wasiirka Caafimaadka ahna madax weyne kuxigeen.
  7. Suldaan Kheyre, wuxuu noqday xubin guddi fulin ah wuxuuna joogayaa xafiiskiisa
  8. Maajid Maxamed oo ahayd wasiirka xafiiska xoolaha waxa loo bedelay wasiirka madaxtooyada
  9. Cumar Maxamed,isagu waxaa uu joogayaa meeshiisii [lama shaacin xilkauu hayay]
  10. Ibraahim Cali Wuxuu noqday wasiirka sayniska iyo tiknoolojiyada
  11. Baashe Cabdi Ismaaciil Wuxuu nqoday wasiir ku xigeenka xafiiska sayniska iyo tiknoolojiyada
  12. Fuaad JaamacWahaabi wwaxaa loo magacaabay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska
  13. Maxamad Rabiic Xaaji Cabdiqaadir,Wasiirka Daakhiliga
  14. Cabdillaahi Garbo waxauu noqday xoghayaha xafiiska ka hortagga iyo u diyaar garawga  masiibooyinka
  15. Haaruun Yuusuf Cabdi,wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka iyo wershadaha
  16.  Marwo Raxma maxamud halkeedii ayay joogaysaa
  17.  Mudane C/mahad maxamed cabas wasiirka horumarinta xoolo-dhaqatada iyo reer guuraga
  18.    Mudane gamaal Farax warmooge madaxa  xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI
  19. Mudane ibraahin aadan mahad wuxuu joogi meeshiisii
  20. Mudane C/Jamal axmed qaloonbi meeshiisii ayuu joogaa
  21.  Mudane jamaal cismaan qorane wuxuu noqday xubin gudi fulin ah
  22.  Mudane miig bile waxa loo badley  xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI
  23. Eng. Asad cumar wuxuu joogaa meeshiisii
  24.  Mudne rashid jamac sheer wuxuu noqday wasiir kuxigeen
  25.  Mudane xasan aadan xasan wasiir kuxigeen.

 

Gudomiyeyaasha gobolada ee cusub

  1. Mudane cabdi casiis Ahmed Habiye oo ahaa Gud degmada shabeeley ayaa waxa uu noqdey gudoomiyaha gobalka qoraxay
  2. Mudane Muxumed Xassan suufi oo ahaa mayarka maamulka magaalada dhagaxbuur wuxuu noqdey Gudomiyaha Gobolka jarar
  3. Mudane Xabiib Adan oo ahaa gudoomiye degmo waxa uu noqdey gudomiye Gobol
  4. Mudane maxamed cali oo ahaa madaxa xafiiska waxbarashada gobolka faafan waxa uu noqdey Gudoomiyaha gobalka dhawa.

 

Isku Shaandhayntan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dhawaan raysal wasaaraha cusub eedalka itoobiya Abaya Ahmed booqadiisii u horreysay ku tegey  deegaanka Soomaalida Itoobiya ,taasi oo uu ku soo afjaray  colaadii u dhaxaysay qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker