Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo ay sanad waliba qaado dowladda Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Imtixaanka fasalka 12-aad ee Dugsiyada sare ee dalka oo ay qaado dowladda Soomaaliya in la qaadi doono 27-ka bishaan May ee sanadkan 2023-ka.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare wax ay shaacineysaa in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu faray dhamaan Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo maamulayaasha Iskuuladda iney u diyaar garoobaan waqtiga kooban ee ka harsan qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 12-aad.

Sanad kasta marka la gaaro bisha May ayay qaada dowladda Soomaaliya Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare ee ardayda ku nool gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyada kale ee dalka marka laha reebo Somaliland iyo Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker