Ex-Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Sheegay In Baarlamaanka Dib Loogu Celinayo Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada ee Xukuumaddii hore ee Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Baarlamaanka dib loogu celinayo heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera, si buu yidhi Sharciga loo
waafajiyo qodobbo wax iska beddeleen.

 

Maxamuud Xaashi Cabdi    ayaa sheegay in Heshiiska Somaliland la gashay Shirkadda DP World ee ay ku maalgelinayso Dekedda Berbera uu yahay heshiis rasmiya, balse intii Xukuumadda cusub ee KULMIYE Talada
Dalka la wareegtay ay wax iska beddeleen, isbeddeladaana ay ka mid yihiin Saamiga Somaliland iyo DP World ka iibiyeen Dawladda Itoobiya oo marka la isku daro noqonaya 19%.

 

Maxamuud Xaashi oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Heshiiskaasi waa heshiis rasmiya, waaka Maanta lagu dhaqmayo, waxa iska beddelay Qodobbo aan badnayn oo ay ka mid tahay heshiiska Saddex geesoodka ah ee aynu Itoobiya la galnay, saamiga Somaliland ka iibisay (oo ah 5%) iyo Saamiga DP World ka iibisay Ethiopian Shipping Line Agency oo ah 14%, qodobbadaa dib baa Baarlamaanka loogu soo celin doonaa, si sharciyadda loo waafajiyo.”

 

Shirkadda DP World ee Maalgelinaysa Dekedda Berbera ayaa Itoobiya ka iibisay saami dhan 14% oo ka mid ah 65% ay saamigeeda, halka Somaliland oo 35% lahaydna ay Itoobiya ka iibisay 5%, taasi oo macnaheedu yahay in Dawladda Itoobiya Dekedda Berbera ku yeelanayso Saami dhan 19 %.

Ex-Wasiirk Maxamuud Xaashi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker