“Nabadgelyaduna hadda waa sugan tahay xagga horufadhi iyo Ceegaag labadaba.. …” Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle

Unug ka tirsan guutada 7-aad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maanta gaadhay deegaamo katirsan gobolka Buuhoodle oo ay shaqaaqo ku dhex martay laba beelood oo walaalo ah oo dilal dhex mareen.

 

Ciidankan oo uu hogaaminayo Taliyaha Guutada 7-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Gaashaanle sare mahad faarx cilmi cambaashe, ayaa howl-gal nabad-gelyada lagu sugayo ka fuliyey jiidaha u dhexeeya degmada horufadhi iyo Ceegaag oo ay isku-horfadhiyeen maalmihii la soo dhaafay laba maleeshiyo beeleed oo hubaysan, waxaanay gacanta ku dhigeen xaalada amaanka ee deegaamada dirirtu ka ulnayd, sida uu sheegay guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Horufadhi.

 

Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle Mustafe Xaaji Cabdi Muuse iyo Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee gobolkaasi oo ku soo dhaweeyey Horufadhi Ciidanka gurmadka ah, ayaa intaasi ku daray in ay socdaan dedaallo dhaqan oo lagu xalillayo dhacdooyin dilal ah oo dhex maray labada beelood ee walaalaha ah, si rasmi ahna loo sugay nabad-gelyada.

 

“halkan waxaanu ku soo dhaweynaynaa Ciidanka Qaranka ee uu hogaaminayo Taliye Mahad Cambaashe oo noogu yimi gurmad lagu kala dhex gelayo labada beelood ee walalalo ah ee shaqaaqadu dhex martay, aadbaan ugu mahad celinayaa Ciidanka iyo Taliyahaba”
“Nabadgelyaduna hadda waa sugan tahay xagga horufadhi iyo Ceegaag labadaba, waxaana loo gudbayaa iminka wixii kale ee looga gudbayey ee howl ah oo meeshan howl badanbaa taalla”ayuu raaciyey.

 

Guddoomiyaha Gobolka Buuhoodle, waxa kale oo baaq u diray Xukuumadda Somaliland oo uu ka dalbay in ay gurmadka Ciidanka iyo Ergooyinka dhaqanka ee nabadeynta labada beelood ku howlan la xoojiyaan.
“Dawladdana, Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirrada gobolka u dhashayba waxaanu ka codsanaynaa in sidaa Ciidanku u soo gurmaday, ay qaybtooda uga qaataan, guurti ahaan, maskax ahaan iyo maamul ahaanba.
“ma filayo in wax dambe oo xumi inagu soo kordhaan inshaalah, arrintuna iminka gacantay inoogu jirtaa”ayuu yidhi Mustafe Xaaji Cabdi Muuse.

Dhanka kale, magaalada Horufadhi, waxa ku soo qulqulayey labadii maalmood ee u dambeeyey ergooyin nabaddeed oo ka kala yimi gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, kuwaasoo halkaasi u yimi daminta colaadaasi oo ka bilaabantay dil ka dhacay deegaanka Qocondhaale oo dhacda nawaaxiga Magaalada Buuhoodle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker