XUKUUMADDII UU KA XANUUNSADAY MADAXWEYNE SIILAANYO WAXAY GIRGIRE DABA U DHIIBTAY MADAXWEYNE MUSE BIIXI.

Marks and hore horta kursiga madaxweynenimada la isku haysanmaayee si kasta oo doorashadii wax u dhaceen xisbiga wadani iyo shacabwynihiisa balaadhani way u sii daayeen MADAXWEYNE Muse Biixi ee taa sida Paracetamol ka ha u liqo Muse taa, Cabdiraxman Cirro name waa nin Madaxa oo Qiimo iyo qaayaba ku leh Wadanka SOMALIAND oo dhacdhac iyo deel qaaf lahayn wadanka dantiisana u Heellan.

Waxaa hubaala in dhibaato weyn oo XUKUUMADDII uu ka XANUUNSADAY MADAXWEYNE SIILAANYO ee u gacangashay dumar iyo caruur iyo Magafayaal dhawra ay dhibaato aad u weyn uga tageen MADAXWEYNE hii ku xigay oo Muse Biixi noqday. Hadday tahay xaaladda ina dhex taal inagiyo wadankii aynu ka noqonay wax ku darsadkiisii ee Somalia iyo shacabkii oo qoloqolo loo qaybiyey iyo dhaqaalihii wadanka oo la halaloobiyey oo Sicir bararku ka dhashay, Dekedii iyo Madaarkii Berbera oo la Xaraashay, Djibouti, Ethiopia oo waa raqeeeey yidhi SOMALIAND oo dhaqaalihii yaraa weel usoo samaystay oo daldalanaya iyagoo wakiishay dad SOMALIAND ah.
Waxaa kale oo ka soo hadhay XUKUUMADDII uu MADAXWEYNE SIILAANYO ka XANUUNSADAY dad afmiishaara ah oo midba iska dhigayo inuu qabiil ama xusbi u hadlayo oo kala qaybintii qabaailka ee xilligii tartanka doorashooyinka weli ka dhex wada mujtamaca saboolka ah ee reer SOMALIAND, Kuwaa waad wada garanaysaa galka seefta ka saar oo maxkamada shaqadeeda dardar geli.
Sicir bararku WUXUU ku soo afjarmayaa dib u qiimayn aad ku samayso Ee Imaaraadku Kufsaday Dekedii iyo Saldhigga Berbera ee Bilaashka ka loo siiyey arintaa  oo dib u qiimayn u baahan.
Somalidu waxay tidhaa NINNA MADAX AAN KIISA AHAYN ISKUMA RAKIBI KARO, Markaa Siyaasad cusub haddaanad la iman kaa Saari mayso Siyaasaddii XUKUUMADDII SIILAANYO waxaa ku horyaal arimo waaweyn ooXukuumaddii SIILAANYO disable ka noqonay oo Hawadii SOMALIAND, Ictiraafkii oo Baastoobay, shacabkii oo la qaybqaybiyey, Salaadiinta siyaasiyiinta isu dhigay iyagoon habeen qudha dawlad u shaqayn. Arimo badan la taliye uma baahnid ee toos caqligaaga la kaasho oo ku dhaqaaq. Wadanku meel xun ayuu marayaa oo Xukuumaddii SIILAANYO ka XANUUNSADAY gaadhsiisay.
MBashe (Meerkat)
qoranebashe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker