Xaaladda qaar kamid ah dadka kunool caasimadda Sudan oo laga deyrinayo

Todobo bilood ka dib markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda qaaraarka badan ee dadka ku nool caasimadda Khartoum, ayaa ka sii daran sidii hore – halka qaar ka mid ah kuwii ka baxsaday magaalada maalmihii hore ay sidoo kale la halgamaya sidii ay u noolaan lahaayeen.

Abdul-Aziz Hussein – oo magaciisa loo beddelay sababao ammaan darteed – ayaa qaatay go’aanka bishii Abriil si uu u sii joogo Khartoum. Marna uma malaynayn in dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) uu socon doono muddo dheer.

“Weli waa na go’doonsannahay, dagaalkuna ma joogsan,” ayuu sheegay mar aan telefoonka kula xiriiray.

“RSF waxa ay gudaha u galeen deegaanka oo ay dhibaato ka geysteen, iyadoo ciidamadu ay madaafiic ku garaacayaan fariisimaha ay ku leeyihiin xaafadda, dhimasho ayaa iman karta daqiiqad kasta.

Dad lagu qiyaasay 5,000 oo qof oo Suudaani ah ayaa horay ugu dhintay israsaasayn dhexmartay labadan qaybood ee milatariga ah ee dagaallamaya, iyadoo tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Isaga iyo xaaskiisa iyo saddex caruur ah, macalinka oo 45 jir ah ayaa hadda aad u doonaya inuu baxaan. Bishii hore waxay ku dhawaadeen inay sameeyaan, laakiin dagaalka oo agagaarka gurigooda oo ku yaal agagaarka Kalakla ka socday ayaa ahaa mid aad u xooggan.

Markii labaad ee uu BBC la hadlay ayuu , Mr Hussein waxa uu ii sheegay in askarta RSF-ta ay bililiqesanayaan dukaamada iyo guryaha dadka.

Waxay la mid tahay inaad ku nooshahay “qayb cadaabta ka mid ah ah”, ayuu yiri.

Dagaallada xooggan ee ka socda magaalada Khartoum iyo gobolka galbeedka ee Darfur ayaa sababaya dhibaatooyin xooggan oo dhanka qaybinta gargaarka ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker