WUXUU YIDHI “MARKA AAN ARKO INAN HEESTA AMMA GABAYDA WAAN U SOO DHAREERIYAA”

Waraabe ayaa la weydiiyey fiidkii marka uu xoolaha weeraraayo cidda uu aadka uga baqo ee xoolaha wadda. Waxa uu yidhi marka adhiga uu la joogo wiil kuray ahi kumana dhaco in aan weeraro kamana tago; marka aan arko in uu adhiga la joogo nin xoog ah amma doob waan baqdaa oo xaarka ayaan isku saydhiyaa, markaan arko inan gashaanti ahna waan u soo dhareeriyaa oo sida aan u qoslaayo dhinac hoose ayaa i murxa kamana baqdo. Waxa aan uga jeedaa, dawladaha soo maray S/land in badan ayaynu aragnay rag badan oo ah Madaxdhaqameed, Siyaasiyiin, Hoggaanbeeleed amma Afminshaar sharciga jabiyey oo aan la xidhin kuwaas oo hadba ciddii madax ahi ka baqato in ay ku kacaan qabiilka ay ka soo jeedaan. Sharciga S/land waxa uu u soo qoslaa dhallinta heesta, gabayda amma warka tebisa kuwaas oo ku jira bulshaweynta S/land ee aan dalka xil ka hayn oo haddii ay miyi u baxaan iyo haddii ay Xamar tagaan xor u ah dhaqdhaqaaqa ay xaqa u leeyahiin ayaga oon dhibaato wadin. Sharcigii S/land waxa uu “yidhi inan yar oo heesta amma gabayda marka aan arko waan u soo dhareeriyaa marka oday amma siyaasi aan arkana caloosha ayaa i socota”. Waxa sheekadan marag ka ah Buurmadow oo la soo daayey iyo N.Qorane oo jeelka ku cawaynaysa.

Kayd M. Cabdalla

kaydzzz@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker