Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo kulan Lagaga hadlayey Arrimaha Macdanta iyo Shiidaalka la Qaatay Ardayda Jaamacada Hargaysa Gaar ahaan Kuliyadaha Injineerinka.

Hargaysa {OWN} Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Md Jaamac Maxamuud Cigaal oo ay Weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed iyo Agaasimeyaasha Waaxaha Shiidaalka iyo Qorshaynta ayaa ka qayb galay kulan ay soo Agaasintay Jaamacda Hargaysi oo lagaga arinsanayey Arrimaha Macdanta, Shiidaalka iyo Korontada Dalka.Image may contain: 4 people, people standingImage may contain: 3 people, people standing and indoorImage may contain: 7 people, people sitting

Munaasibadan oo ka qabsoontay Xarunta Jaamacada hargaysa ayaa Waxaa ka Soo qayb galay maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Jaamacada Gaar ahaan qaybaha kala gedisan ee InJineerinka sida, Geologiga, Deegaanka, electriga iyo Civil engineerinka waxaana kulanka Furay Madaxweynaha Jaamacada Hargaysa isagoo soo dhaweeyey Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Marti-Sharaftii kale ee ka soo qayb gashay Kulanka sidoo kale Waxaa halkaa ka soo Jeediyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo Mahadnaq ka bacdi War bixin ka siiyey Ardayda iyo Maamulka Jaamacada Halka ay Marayaan hawlaha wasaaradiisu Qaranka uga masuulka tahay isagoo Wasiirku ku Dheeraaday Waxyaabaha u Qabsoomay mudadii koobnayd ee uu Xilka hayey iyo Waxyaabaha U qorshaysan Mustaqbalka dhaw.

Waxaanu Wasiirku carabka ku adkeeyey sida ay uga go`anatahay in dalka laga soo saaro macdan iyo Shiidaal Isagoo Wasiirku Sheegay in sannadka 2019 dalka laga bilaabi doono Qodistii Shiidaalka, waxaa isna Wasiirka Ka hor halkaa Hadal ka soo Jeediyey Agaasimaha Waaxda Shiidaalka oo faahfaahin ka bixiyey halka ay marayaan arimaha Sahaminta Shiidaalka oo mudooyinkii u danbeeyey dalka ka socday.

Gebo-gebadii kulanka ayaa waxaa halkaa Su`aalo tiro badan ardaydu ku Waydiiyeen Wasiirka iyo Masuuliyiinta Wasaarada iyagaa wasiirka iyo masuuliyiintii kale ee la socdayba ay si hufan uga jawaabeen su`aalihii la waydiiyey Waxaanu Kulan ku soo afmeermay Jawi dagan oo Isfahamleh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker