QABYAALADU WAA XANUUN SOKEEYAHA KALA QOQOBA.

Ilahay waxaa uu qabaa,ilka inooga dhigay ee uga jeedaa waa inaan isku garano abtirsiin ahaan ama isir ahaan isla makaana aan si wacan u adeegsano ee maha ama ujeedadu maaha inaan si xun ugu dhaqano oo aan u isticmaalno una adeegsano.
waayadan danbe qabyaaladu waxay noqotay cudur fidiyahay kowaad ee soomaalida burburka iyo halaaga baday waayo waxay u adeegsadeen qaab aan ahayn sidii ilahay u abuuray ama la inoogu sameeyay waxaanay isku rogtay dhagar la isku dhagro waxay noqotay mid sidata midiyo afwaaweyn oo aan naxdin lahayn manaxaana gacanta ku hayo waxay noqotay kala fogeeya waxay kala gaysay oo ay colaad iyo nacayb dhex dhigtay gacal iyo sokeeye labadaba ismana yaqaanaan ismana bixinayaan oo birtay iska aslayaan halkii ay
ahaan lahaayeen jidh kali ah oo isku yaala isla markaana aan kala maar mahayn waxaana ka masuul ah qabyaalada sida xun loogu dhaqmaayo.
qabayaaladu waxay soo baxday oo ay noqotay mid lagu dhaco ama loogu xoogsheegto dadka iyagu aan qabiil xoogbadan kasoo jeedin oo waxaa xataa lagu dhacaa xoolohooda waxay xaqa u lahaayeena waa lagaga qaadaa.
qabyaaladu waxay noqotay mid wax burburisa oo waxaad arkaysaa intaas oo dhacdo oo naxdin leh oo dhamaan ku qotoma qabyaalad iyo qudhun.
qabayaalada hadii sida wacan ee ilahay yidhi loo adeegsado waxay soo baxaysaa ama ay noqonaysaa mid wax dhista oo aan wax burburin oo loo aayo qabyaalada hadaan si wacan u adeegsano waxay inoo dhisi kartaa wadan ka dhaqaalahana ay kobcin kartaa waayo iskaashi iyo wax wada qabsi ayaa loo rogi karaa inta dhinaca xun ee anaga iyo idinkada laga dhamaado.
qabyaalada hadii laga daayo sida xun ee loo adeegsanaayo oo laga jeediyo dhinaca dhiig baxa qarsoon iyo boobka masaakiinta xoolohooda ama xaqooda looga dhacaayo loona jeediyo dhinaca walaaltinimada iyo wax wada qabsiga waxaan gaadhi karnaa hore umar balaadhan waanan u aayi doonaa waayo waxay soomaalidu ku maahmaahdaa gacmo wada jirbay wax ku gooyaan.
inta badan qabyaalada waxaa hir galiya oo soo afuufaa waa siyaasiyiinta waayo shayga kaliya ee ay cod iyo taageero ku heli karaan ayaa ah qabyaalad balse sidaa cagsigeeda way joojin karaan waayo waxay soo bandhigi karaan hadafkooda iyo barnaamijkooda wax qabaan waxaanay odhan karaan anigu waxaan wataa barnaamijkan wax qabad hadaad idoorataan cida uu codka ka doonayaana waa inaanay noqon oo kali ah reerkiisa balse waa inuu qarankiisa oo dhan beegsadadaa isagoo adeegsanaaya barnaamijkisa wax qabad ee uu wato taasi oo aan filaayo in qabyaalada lagu dabar jari karo gaar ahaan si xun u adeegsigeeda.
odayaasha dhaqanka laftooda waxaa laga rabaa inay ka qayb qaataan sidii loo hir galin lahaa in qabyaalada si wacan oo caafimaad qaba loo adeegsaa loogana faa,iidaysto isla markaana loo dabar jari lahaa xanuunka qabyaalada iyo ku dhaqankeeda qaldan.
sidaa awgeed waxaan soo jeedinayaa waar qabyaalada aan si wacan oo caafimaadka qabta u adeegsano kana fogaano si xun u adeegsiga.
waxaa ku soo gaba gabaynayaa maqaalka maanta QABYAALADU WAA XANUUN SOKEEYAHA KALA QOQOBA.
W/Q: Jamaal Cabdilaahi Muxumed ( Abu Ciza)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker