Waligaa Ma aragtay Tuulooyin ay carruurta ku nooli yihiin wada hooyo la’aan, Ama Rajo

 

 

 

 

Bariga dalka Induniisiya, waxaa jira deegaanno haweenka da’da yar ay dhammaantood u shaqo tageen dalka dibaddiisa. Dadka reer Induniisiya ayaa deegaannadani ku tilmaamay “tuulooyinkii hooyo la’aanta ahaa”.

Ely Susiawati waxaa ay ka mid tahay gabdhaha iyaga oo yar yar ay hooyooyinkooga ka tageen oo ay dibadda u shaqo tageen. Ely ayaa 11 jir ahayd markii hooyadeed ay ka tagtay oo lagu dhaafay ayeeydeed.

Hooyadeed iyo aabaheed ayaa kala tagay, taana waxa ay sababtay in hooyadeed oo lagu magacaabo Martina ay shaqo u raadsato dalka Sucuudiga oo ay ka heshay shaqo jaariyadnimo ah, si ay qoyskeeda u biisho.

Weriyaha BBC-da Rebecca Henschke ayaa Ely kula kulantay gurigooda, waxa ayna uga sheekeysay dhibaatadii ay soo martay markii hooyadeeed ay dibadda u shaqo tagtay. Sheekada gabadhani yar ayaa ka turjumeysa dhibaatada ay dhallaanku la kulmaan marka waalidiintooda ay kala tagaan oo ay isfuraan.

“Marka aan arko saaxibadeyda oo iskuulka dhexdiisa la socda waalidiintooda, aad ayaan u murugoodaa. Aad ayaan ugu hiloobay hooyadey,” ayay tiri Ely.

“Ma doonayo in hooyadey ay sii maqnaato, waxaan doonayaa in ay nala joogto oo ay xannaaneyso carrurta kale ee ila dhalatay.”

Tuulada ay Ely ku nooshahay ee Wanasaba ayaa waxa ay ku taal bariga jasiiradda Lombok. Tuuladan ayaa waxaa caadi ka ah in hooyooyinka ay carruurtooda ka tagaan oo ay dibadda u shaqa tagaan si ay u soo biilaan carruurtaasi.

IMAGE

Khariidad
Khariidad

Ragga tuuladan, intooda badan waxay yihiin beeroley ama shaqaale muruq maal ah oo aad uga yar waxa haweeneyda jaariyadda ah ay ka soo shaqeynayso dibadda.

Marka hooyooyinkani ay dibadda u shaqo tagaan, mas’uuliyadda carruurta waxaa la wareegaya aabaha iyo qaraabada kale. Laakiin waxaa tuuladan caadi ka ah in ilmaha la isu hayo basle waa arrin xanuun badan in waalidku uu macsalaameeyo carruurtiisa oo uu meel fog ka aado.

Karimatul Adibia
Karimatul Adibia

Karimatul Adibia waa gabar yar oo hooyadeed ay ka shaqo tagtay iyada oo hal sano oo kaliya jirta. Sidaa awgeed, Karimatul ma xusuusata muddo yar xitaa oo iyada iyo hooyadeed ay wada noolaayeen.

Basle markii ay dhameysatay waxbarashadeedii dugsiga hoose-dhexe ayay hooyadeed soo laabatay si ay u aragto gabadheeda.

Hase yeeshee, Karimatul markii ay hooyadeed dibadda ka soo laabatay, waxa ay hooyo u arkeysay eedadeed oo ah midda soo korisay.

“Aad ayaan u jahawareeray,” ayay tiri Karimatul.

“Waxaan xusuustaa hooyadey oo aad u ooyaysa. Waxa ayna eedadey weydiisay sababta aan u ogayn in iyadu tahay hooyadey?’

Waxayse eedadeed ku jawaabtay in iyada aanan sawir laga hayn, Karimatulna ay taqaan oo kaliya magaceeda iyo cinwaanka halka ay Sucuudiga ka joogtay, ayna la yaab ahayn in gabadhani ay hooyadeed garan weydo.

“Aad ayaan u qiirooday oo hooyadey aad ayaan ugu xiisay, balse sidoo kale aad baan uga carooday in ay iga tagto aniga oo aad u da’ yar,” ayay tiri Karimatul.

Haddase, Karimatul oo 13 sano jir ah ayaa waxa ay qaab muuqaal ah ku wacdaa hooyadeed oo mar kastaa waa ay wada xiriiraan basle wali waa gabar iyo hooyadeed uu xiriirkooga waalidnimo aad u yar yahay.

“Xitaa marka ay hooyadey fasax noogu timaado oo ay nala joogta, anigu waxaan jeclahay in aan la joogo eeddadey. Hooyadey waxay igu tirahdaa aniga ila joog balse waxaan ku irahdaa waan kuu soo laabanayaa.”

Karimatul iyo eeddadeed Baiq
Karimatul iyo eeddadeed Baiq

Baiq Nurjannah oo ah haweeneyda soo korisay Karimatul ayaa sidoo kale soo korisay sagaal cannug oo kale oo mid ka mid ah ay iyadu dhashay. Dhammaan inta kale waa caruurta walaalaheed oo dibadda u sahqo tagay.

Baiq oo haatan 50 jir ah ayaa waxaa wajigeeda ka muuqanaya farxad waxa ayna leedahay Ilaah baan ku mahadinayaa wax kastaa.

“Anigu marnaba carruurtan ulama dhaqmo si ka duwan carruurteyda,” ayay tiri Baiq. “Waa sida ilmo isku hooyo ah oo haddii ay xanuunsadaan ama ay wax kale u baahdaan, Ilaah baa mahad leh aniga ayaa diyaar u ah.

Haweenka tuuladan ayaa billaabay in qeybaha kale ee dalka Induniisiya u shaqo tagaan sanaddadii 1980-kii.

Haddii haweenkani aysan helin daryeel dhanka sharciga ahi waxa ay halis ugu jiraan in tacaddiyo ay kala kulmaan dadka ay u shaqeeyaan.

Dadka halkan deggan waxa ay ka sheekeynayaan haween badan oo dibadda u sahqo tagay balse meydkooga oo kaliya la keenay halkan. Qaarkood waxaa jirdil xun u geystay dadkii ay u shaqeynayeen, waxaana jirkooga ka muuqanaya nabarradii loo geystay. Qaar kale ayaa tuuladan ku soo laabtay iyaga oo jeeb maran ka dib markii loo diiday lacagtii ay ku sahqeynayeen.

Qaar kale oo ka mid ah haweenka tuuladan ee dibadda u shaqo tagay ayaa la soo laabtay carruur ay u dhaleen rag kale oo ama kufsaday ama duruuf ay ku kalliftay in ay xiriir galmo la yeeshaan. Carruurtaasi ayaa halka looga yaqaan anak oleh-oleh oo la micno ah carruurtii xusuusta.

Balse madaamaa midabkoogu uu ka duwan yahay dadka kale oo ay yihiin carruur iskadhal ah, aad ayay uga dhex muqudaan carruurta kale ee tuuladan ku nool.

Fatimah oo ka mid ah carruurta iskadhalka ahi oo 18 jir ah ayaa sheegeysa in iyagu ayba ka hesho in il gooni ah lagu eego.

Faatimah
Faatimah

“Dadku inta badan aad ayay ii soo eegaan. Dadka kale aad ayaan uga duwanahay. Dadka qaar waxay yirahdaan aad baad u qurux badan tahay sababtoo ah waxaa kugu jira dhiig Carbeed. Arrintaa ayaa aad ii farxad gelisa,” ayay tiri Fatimah.

Balse kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka muhaajiriinta ahi ayaa sheegaya in carrurtan iskadhalka ahi inta badan la faquuqo oo xitaa iskuullada lagu kaftamiyo.

Fatimah waligeed ma aysan arkin ninka Carabka ah ee dhalay balse hooyadeed ayuu lacag u soo diri jiray, taa oo keentay in hooyadeed aysan ka tagin.

Hase yeeshee, mar dhow ayuu dhintay. Wixii intaa ka dambeeyay nolasha waa ay adkaatay, sidaa awgeedna Fatimah hooyadeed waxa ay mar kale u shaqo tagtay dibadda, gaar ahaan Sucuudiga.

“Waxa ku khasbay hooyadey in ay iga tagto ayaa ahayd walaalkey iga yar oo mar kastaa weydiin jiray marka ay mooto ama dhug-dhugley u iibin doonto . ka dib wuxuu arkay dad wata taleefoonno cusub waxa uuna mar kale weydiinayaa marka aan innaguna heli doonno taleefoon kaa la mid ah?” ayay tiri Fatimah.

Hadalka ayey sii wadatay iyada oo oyneysa: “Hooyadeey haddii ay Sacuudi Carabiya ay aadi lahyn ma heli laheen lacag nagu filan oo aan ku noolaanno.”

Suprihati kaddib marki ay waxbarashada ka soo noqotay kaddib
Suprihati kaddib marki ay waxbarashada ka soo noqotay kaddib

Galabti marki masaajidda laga aadaamo crruur yaryar oo aad u badan ayaa ka soo baxa msajidda iyaga oo aadayaa guriyo duug ah oo ay ku nool yihiin oo ay Holand dhistay xilligi ay Indonesiya ku jirtay Guumeysiga.

Carruur kasta oo halkan ku nool mid ka mid ah amaba labdiisa waalid ayaa dibadda uga maqan si ay u soo shaqeeyaan, carruurta waxay isugu yimaaddaan halkan oo ay maamulaan haweenka deegaanka iyo kooxa u ololeeya xuquuqda dadka muhaajiriinta.

Caruurta oo ku labbisan qamaar qurux badan mcalinka halkan wax ku barayo waxuu taxayaa liiska waddamada ay waaliddiintooda ku maqan yihiin sida: “Malaysiya, Sacuudi Carabiya, kani waa carab kanna waa Maleysiya” ayey leedahay.

Gurigan waxaa iska leh Suprihati, waxay u shaqa tagay dalka Sacuudi Carabiya waxayna ka tagtay laba wiil oo socod barad ah.

SuprihatiSuprihati

“Waxaa la kulmay noolal aad u adag balse waxaan isku dayey inaan noolashaasi wajaho kana mira dhaliyo. “Waxay isku dayday iney lacag ku filan ay keydsato si ay carruurteeda ay waxbarasho ugu dirto hadda waxay ku nool yihiin noolal wanaagsan oo raaxa leh. Hadda markale uma baahaneyso iney shaqa tagto mar haddii ay carruurteeda koreen oo ay caawinayaan.” Ayey tiri.

Haddaba iyada oo og sida ay arrintan u tahay mid adag, waxay diyaarisay koox arrintan gacan ka geysato iyada oo rajeeyneyso si loo helo qoys carruurta u beddelo waaliddiintooda ka maqan.

“In qofka qaraaba ahaan loo daryeelo wey ka duwan tahay hooyadi ku dhashay oo kula joogto. Waa nooc kale oo jacayl ah. Carruurtu waxay u muuqdaan inay noqdaan kuwo la iska tuuro oo lumiyo kalsoonidooda” ayey tiri

Waxbarashada kaddib guriga ayaa ah mid aad uga beddelan goobta waxbarshada waxayna tiri:

“Waxaan ardayda ka caawinnaa shaqada guri ee loo soo diro waxaadna dareemeysaa carruurtu iney u heellan yihiin iney waxbartaan. Waxaanna ugu yeernaa fasalla arday firfircoon ay ku jiraan haddana waxay la mid yihiin ardayda kale ee dugsiyada caadiga ah wax ka barto. Waxaan runti arkeynaa iney carruurtu horumar weyn sameeynayaan.”

Yuli Afriana Safitri waxay waxbarashada timid waxbarashada habeenki waxay haysaa 5 carruur oo walaala ah marka ay casha u karisay kaddib ayey ayey waxbarashada timid.

Yuli Afriana Safitri
Yuli Afriana Safitri

Ayeeydeed oo iyada caawin jirtay, ayaa dhimatay, marka marwalba waxay ku howlantahay cunto karinta iyo mararka qaar uu aabaheed ka cawiyo.

Hooyadeed waxay ka shaqa tagtay walaasheed ka yar xilli ay ka yar gu’ jir, waxayna u soo direysay lacag ay biishaan. Muddo kaddib waxaa joogsaday xiriirka carruurta iyo hooyadood waa arrin fajac leh mana oga carruurta iney hooyadood arrin lama filaan ah soo wajahday iyo inkale.

Si ka duwan carruurta kale ee ku nool Wanasaba, Yuli Afriana Safitri uma muuqato mid ka xunuunsan kala tagga.

“Waa necebahay markaan arko dadka oo aad nooga naxaya. Gaar ahanna ma jecli marka ay dadku dhahaan ‘Masaakiin ma hooyadiin baa idinka maqan.’ Aniga waxaan halkan u joogaa oo aan ka adkahay inaan caawiyo walaalahayga iga yaryar marka guud ahaan ma dareemeyno sida carruur waalidkood uu ka maqan yahay oo kale” ayey igu tiri.

“Carruurta iga yaryar hooyadey maba xusuustaan umana ooynayaan hooyadeen marweliba waxay soo dhaweystaan aabbo. Cuntada ayuu noo kariyaa alaabta ayuu noo dhaqaa, haddii uusan shaqa iyo howla kale ku maqneen howsha guriga ee noo taalla oo dhan waan wada qabannaa.”

Iyada oo aad u faraxsan aadna ugu faaneyso ayaa waxay ii sheegtay iney marwelib kaalmaha hore ay ka gasho fasalkeeda ayna dooneyso iney mustaqbalka ku biirto ciidamda badda Induniisiya.

2/3 dadka qoxootiga ee reer Induniisiya ee dibadaha u shaqa taga waxay u badan yihiin dumar, kharashaadka ay qoysakooda u soo diraan waxay ka dhigan tahay jiilka soo socda iney fursad u helaan iney waxa ay ku hamminayaan ay ka dhabeeyaan.

Ely Susiawati hooyaded mudda 9 sana ah meysan arkin, marka dhididka hooyadeed wuxuu uga dhigan yahay iney noqotay gabadhi ugu horreysay oo qoyskooda jaamacad ka gasho.

Waxayna Jaamacadda ku taalla magaalada Mataram, ay ka baraneysaa dhaqalaha Islaamka, waxayna sheegtay iney dooneyso iney fahanto waxa ay u oo soo hurtay hooyadeed iney iyadu soo koriso.

Ely Susiawati

“Haddii ay hooyadeey shaqo tagi lahayn aniga iima suura gasheen inaan waxbarto. Iyada ayaana noo suura gelisay inaan noolashan ku noolaanno. Marweliba hooyadeey waan ku faanaa. Waa hooya geesiyad ah”. Ma jirto hooya la mid ah oo adadkaanta ay hooyadeey qabto oo kale leh.”

Waxayana hooyadeed inta badan kala hadashaa WhatsApp ama Facetime.

“Marweliba waxaan hooyadeey u sheegaa halka ay wax ii marayaa, markaan rabo inaan meel aadana iyada Ayaan fasax ka qaataa. Fool ka Fool uma kulmin balse waxaan leennahay xiriir joogta ah. Hooyadeey waxkasta oo noolasheyda ku soo kordho wey ogtahay waana la socodsiiyaa.”

Iyada oo ku sugan masaajidka weyn ee Verandra, waxay hooyadeed ku wacday video-call waxaanna la hadlay hooyadeey.

Martia waxay sheegtay iney xaaladdeedu fiican tahay dadka ay la joogto oo ay ugu shaqeyso Sacuudi Carabiya iney yihiin qoys wanagsan oo naxariis badan mushaar fiicanna ay siiyaan xilliga ku habboonna ay siiyaan.

Wax walba uma sahlaneen qoyskeenna, waana inaan la dagaalano nolosha” sidaas ayay ii sheegtay

Dabcan waan u xiisay Ely, balse xaaladda dhabta ah ee nolosheenna ayaa nagu qasbaysa inaan kala fogaanno. Aniga si dhab ah Ayaan ugu faraxsanahay iyada, sida adag ee ay wax u baranayso.

Waxay sheegtay inay gurigooda dib ugu soo noqon doonto markii ay Ely dhamayso waxbarsahada shahaadada koobaad ee jaamacadda (degree). Waxayna ku qaadan kartaa seddex sano iyo xoogaha.

Waxaan u sheegay in Ely ay sheegtay inay tahay qof cajiib ah

Taas aad ayay ii farxad galinaysaa inaan maqlo” waa ay qososhay, balse waxan arkayaa in indhaheeda ay ilmeynayaan.

 

Wax barasho la aanta waxay ka micno tahay in ay waalidiinteenna ay ku qasban yihiin inay naga tagaan balse taasi dharbaaxa weyn ayey nagu tahay. Si joogto ah waxaa ku toosnaa wacitaan. Hadii aan joojiyo innan dibadda ka shaqeeyo halkan la iima soo diri laheen, waan bixi lahaa waxana sameysan lahaa ganacsi ii gaar ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker