Madaxweyne Muuse Biixi oo Afar Bilood Afar Mashruuc Naas-nuujin u Siiyey Wiil Ganacsade ah oo u Adeer u yahay Ma Cadaaladbaa Mise Waa Dal loo Siman yahay…?.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo hada xilka Madaxweynenimo hayey muddo Shan Bilood ku dhow,  ayaa durba bilaabay xigto miis iyo qaraabo kiil, kaddib markii uu mashaariicda qaranka Somaliland ee loo sinnaan jiray uu ku taxay  xubno ehelkiisa ah.
Madaxweyne Biixi waxa uu ku taxay durba Mashaaricda hawlaha qaran xubno qoyskiisa ah, kuwasoo uu ku naas-nuujinaayo qabab kala duwan, Waxana mashaaricahaas kamida Mashruuca 18-ka May oo u Hayaddaha Dawladda uu ku amray in qalabyada xuska ee Sannaadkan 2018-ka loogu dabaal-degaayo 18-ka May ay goob kastaa oo dawladeed ka daabacato Shirkada Sagal-jet oo u leeyahay Wiil uu Madaxweyne Biixi adeer u yahay, kaasoo lagu magacaabo Cabdi Yuusuf Aar,  oo kamid ahaa shaqsiyaadkii Shirqoolada Siyaasadeed la maleegi jiray.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sidoo kale hore u siiyey Wiilka uu adeerka u yahay ee Ganacsade Cabdi Yusuf Aar laba mashruuc oo u midkiiba boqolaal kun oo Dolar uu kaga qaatay Dawladda, waxana mashaariicdaas Kamida ah Mashruuc ama buugii Hilaadshe ee lagu daabacay waxqabadka Dawladda ee 120-ka Maalmood.
Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi uu siiyey Wiilkaas uu adeerka u yahay ee Cabdi Yusuf Aar Mashruuca Timirta Ramadaanta ee Ciidamada iyo sadaqada Dawladda, kaasoo uu ku qaatay Lacag Boqolaal kun oo dolaar ah.
Arrimahan iyo dhaqanada ugubka ah ee Madaxweyne Muuse Biixi isagoo xukunka dalka hayey afar bilood uu durba ugu banbaxay mashaaricdii umaddu u tartami jirtay ilaayo kuwiii ganacsi waxa uu  u muuqdaa mid qabyaaladdeed oo aan loo dulqaadan karin, maadaama oo u Madaxweynuhuu lumiyey dhaartii iyo inuu bulshada u xaqsoodayo oo xukunkiisa iyo mashaaricdaba loo siman yahay.
Qalinkii
Saki Saleeban Axmed
Borama/Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker