Cabdillaahi-jawaan Oo Iswaydiiyey In Xisbiyadu Beddeli Karaan Saamigii Beelaha Ee Shir-guddoonka Wakiillada.

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), oo ka mid ah Waxgaradka Somaliland, ayaa ka hadlay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo Guurtida, masuuliyiintii iskaga dambaysay, beelihii ay ka soo jeedeen.

Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), qoraal uu ku baahiyey Internet-ka, ayaa waxay u dhignayd sidan “Shalay waxaan ku soo qoray barta aan ku Leeyahay Facebook in Mudane Barkhad Jaamac Batuun Lagu Maamuuso Xilka Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Siyaabo Kala Duwanna waa Looga Faallooday. Haddaba waxaan Maanta (shalay) idiin weydiinayaa: Ma waxaa la ilaaliyaa 1. Awood Qaybsigii Beellaha Somaliland ku Heshiiyeen ( Power Sharing ) Tusaale Madaxweynuhu Waxaa Loo Gartay in uu ka Soo Jeedo Beellaha dhexe ama Isaaq, Madaxweyne ku-xigeenka in uu ka Soo Awdal ama Samaroon, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada in uu ka Soo Jeedo Gobolka Sool ama Dhubahante, Gudoomiyaha Guurtidu in uu ka Soo Jeedo Beelaha Dhexe ama Isaaq. Gudoomiye ku-xigeennada Labada Aqal ee ( Parliament ) Waxay Kala ahaayeen Guurtida Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Wuxuu ka Soo Jeedaa Sanaag Bari ama Warsangali Guddoomiye ku-xigeenka 2aadna Beellaha Dhexe ama Isaaq. Aqalka Wakiillada Gudoomiye ku-xigeenka 1aad Waxaa La Siiyey Beesha Arab iyaga oo Xilkaasi Hayey Dawladdii Ahun Cabdiraxmaan Axmed Cali, Dawladdii Ahun Maxamed Xaaji Ibraahim, Dawladdii Daahir Rayaale Kaahin, Markii Dambe Labadii Xisbi ee Ucid iyo Kulmiye Shir-Guddoonka Golaha Wakiillada Qaateen Waxay Meesha Ka Saareen Gudoomiyihii oo Beesha Dhubahante lahayd, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad oo Beesha Arab ahaa iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Beesha Ciise ahaa. Labadii Xisbi Mucaarid Waxay Doorteen 1. Cabdirahmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Guddoomiye Ucid ah 2. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Noqday Guddoomiye ku-xigeenka 1aad oo Kulmiye ah iyo Baashe Maxamed Faarax oo Noqday Guddoomiye ku-xigeenka 2aad oo Kulmiye ah. Dawladdii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Markii Cabdicasiis Maxamed Samaale Loo Magacaabay Wasiirka Maaliyadda waxaa Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Noqday Baashe Maxamed Faarax oo Xisbiga Kulmiye ah Guddoomiye ku-xigeenka 2aadna waxaa Noqday Dr Cali Aw Yuusuf Axmed oo Beesha Arab ah Xisbiga Kulmiyena ka Tirsan, Markii Cabdiraxmaan Cirro iska Casilay Xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Guddoomiye waxaa Golaha Wakiillada u Noqday Baashe Maxamed Faarax oo Xisbiga Kulmiye ah Guddoomiye ku-xigeenka 1aadna Waxaa Noqday Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo Xisbiga Kulmiye ah Guddoomiye ku-xigeenka 2aadna waxaa Noqday Dr. Cali Yuusuf Axmed. Dawladda Muuse Biixi Cabdi oo Nin Arab ihi uu yahay Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada. Fiiro Gaar ah: Dawladdii Ahun Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Dawladdii Daahir Rayaale Kaahinba waxaan Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Ahaa Nin ka Soo Jeeda Gobolka Salel ama Ciise. Haddaba waxaan halkan Umadda Jamhuuriyadda Somaliland ku Weydiinayaa: Su’aasha ah ma laga Guurayaa: Hanaanka Awood Wadaagga Somaliland ku Dhaqanto (Power Sharing) Tusaale Hadda waxaa ku Loolamayaa Cidda Laga Dhigaayo Shir-guddoonka Golaha Cusub ee Wakiillada 3da Xisbi Qaran, Muwaadinnow OGSOONOW in Maanta Mudaneyaasha La Doortay in ay Soo Saareen Beellahoodu Marka Laga Reebbo: Mudane Cabdikarim Axmed Mooge Liibaan iyo Mudane Barkhad Jaamac Batuun oo Dadweynaha Reer Hargeysa u Dhamaayeen Doorashada Labada Mudane. Haddaba Waxaa Mudan in Su’aal La iska Wediiyo Xisbiyadu Ma Beddelli Karaan ( doonaan ): Matallaaddii Beellaha ee Goleyaasha Qaranka, Haddiise ay Bedellaan Xisbiyada ama Xisbiga Meesha ka Saaraa Saamigii Shir-guddoonka Beeshaasi ku Lahayd Xisbiga Matallaaddoodii Meesha ka Saaray Beeshaasi Taageeradii iyo Kalsoonidii Xisbigaasi Beeshaasi Ma Kala Noqonayaan? ( Waa Su’aal Jawaabteedu u Furan tahay Umadda Jamhuuriyadda Somaliland? )…”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker