Tacsi Madaxweyne

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka,ย ย waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariisteeย Marxuum Yuusuf Caynab Muuseย oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2019, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi iyo oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka, xilal muhiima oo heer wasiir ahna qarankan ka soo qabtay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

ย Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker