Waftigii Madaxtooyada Somaliland Ku sheegtay Imaaraadka Iyo Ganacsadaha Dibed-meerka ka ah Jabuuti Cabdiraxmaan Boore oo Hoggaamiyey & Ujeedadii Madaxtooyada u Marin-hababisay….

Saylac(OWN)- Baadhis iyo daba-gal Saxaafadeed ayaa lagu ogaaday wafti ay Sheegtay Madaxtooyada Somaliland inay ka socdeen Dawlada Imaaraadka Carabta, ayaa lagu ogaaday in ay ka Duwanaayeen xaqiiqasa iyo nooca waftigaas ka yimi Imaaraadku siday u faafiyeen Dawlada Somaliland.
Xaqiiqada Waftiga ayaa ahayd Ganacsato iyo xubno hoose oo ka tirsan Shirkada Dp World, iyadoo ujeedada loo qariyey in la baahiyo waftigaas muuqaaladooda iyo Sawiradooda iyo weliba Mansabyadooda nooca ay yihiin uu sabab u ahaa Nin Ganacsade reer Jabuutiya oo qaba haweey Imaaraadka Carabta u dhalatay, isla markaana ah shaqsi kamid saamileyda Dp World oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Boore, hase-yeeshee colaad Siyaasadeed oo qoto dheeri ka dhaxayso Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle iyo ganacsade Boore, awgeed looga mamnuucay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti loo qariyey sheegista xaqiiqada ah ee Waftigaa.
Sidoo kale, xoggaha Ku tacaluqa sababta loo Marin habaabiyey xaqiiqada Waftigaa ayaa iyanna ah, mid ay Madaxtooyadu kaga galganayso ceebaha iyo fadeexadihii qarxay ee kasoo gaadhay dhawaqii wasiirul dawlaha Imaaraadka Carabtu Ku sheegay inay heshiisyada Dekedda Berbera la gashay Xukuumada Somaliya. Waxana xusid mudan in Madaxtooyada Somaliland isku qanciso si ay u dejiso xiisada iyo kacsanaanta shacab ee arimahaas heshiisyada inay been abuurato Dawlada Imaaraadka, waxaanay War-Saxaafadeed kootara baan ah iyo afhayeenka Madaxtooyadu sheegeen arrimo kala duwan, waxanu afhayeenku sheegay in Imaaraadku aqoonsaday Baasaboorka Somaliland oo si toosa loogu tagi karo, haseyeeshee war-murtiyeedka ay soo saartay qodobkaasi kumuu jirin, waxaanu ahaa afartan qodob.
1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.
2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka.
3. In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.
4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker