Mas,uul Kenyan Ah Oo Soo Jeediyay In La Dhiso Dowlad Sedaxaad Oo Kenya Yeelato.

Nairobi-(OWN)-Xasan cali Joho oo ah badhasaabka ismaamul goboleedka Mombasa ee dhaca xeebta Kenya ayaa waxaa uu soo hindisay Fikir ah in la dhiso dowlad sedaxaad oo ay yeelato Kenya.

Mr Joho ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo in la helo dowlad sedaxaad oo aan aheyn mid ismaamulada iyo tan dhexe oo iyadana wax ka qabata adeegyada kala duwan.

Xukuumadan uu sheegay badhasaabka ismaamulka Mombasa ayaa sida fikirkiisa ah waxaa uu u qoondeeyay Miisaaniyad dhan boqolkiiba 30% oo aysan la wadaagi doonin dowlada dhexe iyo tan ismaamulada kenya.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxaa uu meesha ka saaray in arintaan uu uga gol leeyahay sidii shaqsiyaad gaar ah ay u heli lahaayeen xilal ay qabtaan balse uu sheegay in ay Jirto baashi shacabka kenya ay u qabaan in loo adeego.

Dastuurka kenya oo wax laga badalay sanadkii 2010-kii ayaa waxaa uu dhigayaa in lix xil looga tartamo iyadoo shacabka dalkaas ay sheegeen in hoos u dhaca dhaqaalaha ee kenya wajaheysay sanadihii la soo dhaafay ay sabab u tahay mushaarka ku baxa xilalka soo kordhiyay.

Hadalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo badhasaabka ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta kenya uu la kulmayo dhaleeceyn ku aadan in uu ku fashilmay ujeedadii loo soo doortay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker