SALDHIGA MILATERIGA EMARAATKA EE BERBERA IYO KHATARAHA KU XEERAN. Qaybtii 1aad

 

Heshiiska DP World ee dekeda Berbera iyo Saldhiga Milaterigu waa laba heshiis oo kala duwan, siyaabo kala duwan baan qoraaladaydan ugu qaadaa dhigi doonaa .

DEKEDA BERBERA IYO DP WORLD

Waxaan qabaa in dan wayni inoogu jirto in maalgashi loo helo dekedeena Berbera, si ay Berberi u noqoto deked casri iyo caalamiba ah, ugana mid noqoto dekedaha u adeegi kara dalalka aynu deriska nahay. Hadii DP World fuliso heshiiska dekeda Berbera  waa mid soo dhawayn mudan, shacabka S/landna u keeni kara shaqo-abuur iyo koboc dhaqaale. Dhinaca kale, runta iyo isla-xisaabtanku (accountability and transparency) waa qaybta ugu muhiimsan dowlad-wanaaga (good governance), waana ta aynu ka filayno maamulka cusub ee M/weyne Muuse Biixi. Sidaa darteed waxaan mar labaad ku celinayaa in la soo gole-joojiyo Wasiir Sacad iyo Wakiil Baashe si ay shacabka ugu sharxaan dinacyadii ku lug lahaa heshiiska dekeda Berbera.

SALDHIGA MILATERIGA

Waxa muuqata in markii la saxeexayay heshiiska  Saldhiga Milateriga in Somaliland aanay la shir tagin qorshayaal waaweyn. Waxay ahayd inta aan la saxeexin heshiiska in laga wadahadlo qodobadan:

1)   In marka hore Emaraatku XAFIIS SIYAASADEED ugu yaraan Qunsuliyad, Liaison Office, iwm ka furto Somaliland.

2)   In heshiiska la dhaafsado taageero dhaqaale oo degdeg ah, si hoos loogu dhigo sicir bararka iyo dhaqaale burburka ummada aafeeyay.

3)   Taageero dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha oo aan ahayn kuwii ay balanqaaday DP World ee ahaa dhismaha jidka Berbera-Wajaale.

Waxa wax lala yaabo inaad bisixo SALDHIG MILITARI oo aad siiso  dal aanad cilaaqaad siyaasadeed la lahayn gabi ahaanba. Sidee ayaa loola xisaabtami karaa hadii khalad ka yimaado saldhiga milateriga hadiiba aanu jirin cilaaqaad diblomaasiyadeed?.

KHATARAHA KU XEERAN SALDHIGA MILATERIGA EE EMARAATKU KA DHISANAYO SOMALILAND

Saldhiga milateriga ee Emaraatku ka dhisanayo Berbera waa mid saamayn toos ah ku yeelan kara masiirka iyo amaanka qaranka (National security) Somaliland, waxaanu khatar galin karaa wixii aynu 28 sano soo dhisaynay. Sadex qaybood baan u kala saari doonaa khataraha Somaliland wajihi karto hadii SALDHIGA MILATERIGA laga hirgaliyo Berbera:

1)   Somaliland waxay si fudud qayb uga noqon kartaa dagaalka lagu kala adkaan waayay ee ka socda Yemen.

2)   Waxa dhici karta in kooxo hubaysan oo Emaraatka ka amar qaata ka samaysmi karaan Somaliland, sida ka dhacday meelo kale oo Emaraatku lugaha kula jiro.(qoraalada danbe kala soco)

3)   Dalal ay Emaraatka xulafo yihiin oo adeegsan kara saldhiga milateriga sida ka dhacday meelo kale. (qoraalada danbe kala soco)

 

DAGAALKA YEMEN

2015kii ayaa xulafada ay hogaaminayaan Sucuudiga iyo Emaraatka dagaal ku galeen Yemen (Operation Decisive Storm), si ay xukunka ugu soo celiyaan Madaxweyne Cabdi Rabi Mansuur Hadi oo ay xukunka ka tuureen Xuutiyiintu. Dagaalkaasi waa mid salka ku haya caqiido iyo dano istiraajiyadeed oo u dhaxeeya Iran iyo xulafada Sucuudiga.Sadex sano ka dib, waxa cadaatay in dagaalka Yemen ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo xulafada Sacuudiga iyo Emaraatku hogaaminayaan lagu kala adkaan waayay, ifafalaalihiisuna noqon karo mid sii daba dheeraada. Waxa taas dheer, Xuutiyiinta waxa u suurtogashay inay gantaalo ku weeraraan caasimada Sucuudiga ee Riyadh.

Hadaba hadii Emaraatku saldhig ka samaysto Berbera uu kaga duulayo Yemen, way cadahay inaynu si fudud cagaha ula gali  doono dagaalka Yemen.

La soco; qaybo kale oo xasaasiya oo aan kaga hadli doono qoraalada danbe ee soo bixi doona.

Mohamud Sh Cabdi Yusuf (Geedwareershe)

Minneapolis, Minnesota, USA

geedwareershe@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker