Waa Maxay Sababta ay Alshabaab u Bartil maameedsato Saraakiisha Turkiga? Qilinkii Suxufi Sinyore

Qilinkii Suxufi Sinyore

 

“Turkiga wuxuu ku guuleystay inuu dhiso ciidamo Soomaali ah oo dagaallo ba’an la galay Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalladii ka dhacay Shabeellaha Hoose”, sidaas waxaa yiri Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf, oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha amniga.

 

Al-Shabaab ayaa si lama filaan ah maalmo ka dib u sheegatay mas’uuliyadda qarixii dad ka badan 80 Ruux ay ku dhinteen ee Sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-Control-Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Qaraxyo horay u dhacay oo khasaare weyn sababay ayeysan si cad u sheeganin Al-Shabaab, waxaana ay sidoo kale markii ugu horreysay ka dhawaajiyeen in markan Bartilmaameedkoodu uu ahaa Turkiga.

 

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxaas lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay wateen dad u dhashay dalka Turkiga oo xulufo la ah dowladda Soomaaliya.

 

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in dadkii ku dhintay weerarkaas ay ka mid ahaayeen 2 muwaadin oo u dhashay dalkaas.

Haddaba Al-Shabaab u beegsatay Turkiga?

9-kii sano ee ugu dambeysay dowladda Turkiga waxay galaangal toos ah ku lahayd Soomaaliya, waxayna dowladihii is xig-xigay la wadaageysay xiriir iskaashi, mid dhaqaale iyo mid dhinaca taageerada ah.

 

Horay Al-Shabaab waxay u sheegtay inay la dagaallameyso dalalka shisheeye ee Soomaaliya ku sugan, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay tahay markii ugu horreysay oo ay ku dhawaaqeen cadaawadda ay u qabaan Turkiga.

Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf, oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha amniga ayaa BBC-da uga warramay waxyaabaha sababta u noqon kara in Al-Shabaab ay weerar la beegsato muwaadiniinta Turkiga.

 

Wuxuu saheegay in sababaha ugu waaweyn ay ka mid tahay Turkiga oo xoojiyay cududda milatari ee ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira xoogagga Al-Shabaab.

 

“Marka laga soo tago dhinaca Ciidamada, Turkiga wuxuu dhisay waddooyinka waaweyn, garoonka diyaaradaha iyo dekedda, taasina ma aha mid Al-Shabaab raalli ka tahay”, ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

 

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Ankara ay ku guuleysaneyso taageerada Soomaalida.

 

“Turkiga wuxuu noqday dowlad Xidhiidh adag la leh Dowladda Soomaaliya, oo u muuqata mid soo kabaneysa maalinba maalinta ka dambeysa, halka Al-Shabaab ay istiraatiijiyaddeedu tahay inay burburiso dowladda, oo ay ka hor joogsato in waddooyinka loo dhiso, waxayna doonayaan in Turkigu aysan xoojinin dowladda Soomaaliya.

 

sababtoo ah sannadihii ugu dambeeyay waxaa muuqata in Turkiga uu kaalin cad ku leeyahay Soomaaliya uuna kasbaday quluubta iyo caqliga shacabka Soomaalida, waana midda keeneysa in Al-Shabaab ay ka hortagaan”, ayuu yiri.

Turkiga ayaa in muddo ahba howlo kala duwan ka waday Soomaaliya, halkaasoo uu ka hirgaliyay xarumo caafimaad iyo mashaariic kale

 

adaxweyne Rcep Tayyip Erdogan ayaa bishii June ee sanadkii 2016-kii gaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna markii ugu horreysay xarigga uga jaray safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

 

Turkiga ayaa saldhig milatari ku leh Soomaaliya, kaasoo tababarro iyo taageero kale lagu siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saldhiggan oo xarigga laga jaray sanadkii 2017-kii ayaa noqday xarunta tababar ee ugu weyn adduunka ee uu Turkiga ka hirgeliyo meel ka baxsan gudaha dalkiisa.

 

Dowlada Turkigu waxaa ay sheegtay in saldhiggani halkii mar lagu tabababari karo inkabadan kun iyo shan boqol oo ah ciidammada dowladda Soomaaliya.

 

Ula jeeedada saldhiggani ayaa la sheegay inay tahay sidii loo xoojin lahaa ciidammada milateriga ee Soomaaliya, si loo soo afjaro dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

 

Sidoo kale diyaaradda Turkish Airlines ayaa sanadkii 2012-kii noqotay diyaaraddii ugu horreysay ee duullimaadyo caalami ah ka billowday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker