Qorshaha Xukuumadda Somalia oo ah Xukun Military/Ciidan, Kali Talisnimo iyo Baa bi’nta Dawlad Goboleedyada.

Shacabwaynaha Somalia waxa ay  talis ciidan gacanta ugu jireen 21 sanadood, mudaddii uu ka talinaya Somalia Siyaad Barre kadib markii uu afgambiyay 10/21/1969 xukuumaddi  rayadka ahayd ee AHUN Sharmaarke iyo Cigaal.

        Markii  ciidamadii Somlia ee uu hogaaminayay Siyaad Barre 1969-kii  ay  afgambiyeen  dawladii rayadka ahayd ee AHUN Sharmarke iyo Cigaal, bilawgii waxa ay u eekayd Dawlad ka dhaxaysa Somali oo dhan hadafkeeduna  ahaa sidii shanti Somaliyeed loo heli lahaa, hase yeeshee 3 sano kadib 1972  waxa uu Siyaad Barre dil toogasho ah  ku xakumay  sarakiil badan oo ay ka mid ahaayeen AHUN  Caynaashe,  Gabayre iyo  Cabdulqaadir Dheel. Sababta uu u dilayna kolay waxa ay ahayd isku kalsooni la’aan,kala rayi duwonaansho, Jaahil nimo ama  casbsi Siyaad Barre ka qabay in ay meesha ka saaraan. Adduunkana waxa wax soo dili jiray ama wax  dila qof jaahila, kai taliyi ah ama  gar ma qaate ah , oon ilbaxnimo iyo bani’aadanimo aan melena ka soo galin.
       Laga bilaabo 1972-kii  waxa ay dawladii Siyaad Barre isku badashay xukun military oo kali talis ah oo beelaysan oo lagu bar tilmaamsado beelo gaar ah,  taas oo keentay in dhamaan, wax garadkii iyo intii karaysaba ay ka yacaan wadanka. Dawladdii Siyaad Barre waxa ay samaysatay sirdoon/NSS oo ay tababartay KGB-dii Soviet-ku ee ahayd hantiwadaagga, NSS-tii Siyaad Barre waxa ay dil, kufsi, xadhig iyo barakincin ku haysay  shacabwaynihii Somaliyeed meel kasta ha joogee. Ku dhaqankii qabyaaladda iyo bartilmaaskii beelo gaar ah ee xukuumaddii Siyaad Barre  waxay ay keentay in ummaddii/beelihii Somaliyeed kala aamin baxaan, waana ta keentay in ay maanta samaysmaan dawlad goboleedyo sida Puntlanad, Gal-mudug, Hirshabeeli , Jubba-land iyo Koonfur Galbeed.
              1991-Kii markii ay ummad Somlia halgan dheer ka dib iska dulqaadeen xukuumaddii Siyaad Barre ee ay ciidamada calooshada u shaqaystaaylka ihi hormoodka u ahaayeen ee ummadda dilka iyo xasuuqa ku hayay 21 sanadood, nasiib darro waxa halgankii iyo dhiigii ay geesiyaasha somaliyeed u hureen xornimada,  waxa ka xoogbatay isaamin la’aanttii uu taliskii Siyaad Barre kala dhexdhigay shacabka Somaliyeed, taas keentay in 27 sanadood uu ka socday dagaal sokeeye Somalia.
        Iyada oo ayaaha Somaliya marba marka ka dambaysa soo hagaagayay 27-kii sanadood ee dawlad la’aantu ka jirtay Somaliya ayaa waxa maanta xukkumadda Xamar waxa ay samaysatay koox la yidhaa NISA oo u dhaqanta sidii NSS-tii Siyaad Barre oon waxba ka duwanayn Al-shabaab, oo wixii mucarada ee dhaliila gafafka xukuumadda dila ama xidha.
      Waxa kale oo ay qorshaynaysaa xukuumadda Xamar oo ay wadaa in ay samaysato ciidamo calooshooda u shaqaystayaal oo xul ah iyo saraakiil ciidan oo fuliya qoshahaas kali talisnimada ee Ciidamada. Iyada Xukuumadda Xamar aan samaysan ciidan xoog ku baa bi’ya dawlad goboleedyada sida Gal-mudug iyo Hirshabeele ayaa hadana waxa ay isku dayday in ay baa bi’so, iyada oo addegsanaysa laa-luush iyo kala qaybin ku salysan qabyaalad taas meesha saartay in madaxway nihii Hirshabeele meesha laga saaro inkasta oo ay ku daraysteen in ay Xaaf ka saraan Gal-mudug.
        Si uu qorshaha kali talisnimo ciidan ugu suurtagalo ayaa Xukuumadda Xamar waxa kale oo  ay samaysatay wasiiro xubno ka ah golaha shacabka, iyo xildhibaano lacag ka qaata xukuumadda sida Goodax, Jeesow, Dalxa iyo kuwo kale   oo xildhibaanda is yidhaa la xisaabtama Xukuumada ku eedaya qaran dumis kuna haya caga juglayn ay kala shaqayso NISA. Adduunyada laguma arag xukuumad ka kooban fulin iyo sharci dajin, haddii ay wasiiradii yihiin fulin iyo sharci dajin siday dawlad u shaqayn ama loola xsaabtami.
          Golaha wasiirada ee Xukuumadda Xamar ee  ah fulinta iyo sharci dajintu  waxay ay bishan  xilkii ka qaadeen Prof Jawaari oo ahaa afhayeenka sharci dajinta, si ay ugu badalaan afhayeen ay Xukuumaddu wadato si ay meesha uga baxado sharci dajin ama gole la xisaabtama Xukuumadda. La wareegidda  Xukuumadda Xamar ee  sharci dajinta ama baarlamaanka Somalia ayaa noqonaysa furaha Xukuumada ciidan oo kali talis ah, taas oo meeesha ka saaraysa awooda,  jirtaanka Dawlad goboleedya iyo ku dhaqanka habka Federaalka ah ee ku salaysan dawlad Goboleedyada  , saxaafad madax banaan iyo Dimoqraadiyad.
          Qorshaha xukun ciidan oo kali talis ah ayaa waxa daba ka wada dawladda Turkiga oo qorsheegu yahay in ay ka saarto Somalia wadamada carbeed ee jooga ama taagera Somlia sida UAE iyo Sucuudiga  oo uu ka dhexxeo tartan dhaqaale iyo dagaan/geopolitic, taas oo keentay todobaadkii ina dhaafay in  uu Turkigu ka saaro  UAE  Somlia kadib markii Qadar iyo Turkigu ay lacag badan siiyeen xukuumadda Xamar.
       Gabo Gabadii arinta iswaydiinta mudani wax ay tahay reer Somalia diyaar ma u yihiin in ay gacan ciidan military oo kali talis dib ugu noqdaan mise in ay  doortaan gole sharci dajin oo aanay hay’adda fulintu/Xukuumaddu u talin sida barlamaanka fooda ku soo haya?
 Mohamud Aaden Samatar

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker