MAXAMED CABDILLAHI UURCADE IN UU MARKIISA HOREBA BILAA QIIMO IYO QABYAALAD AHAA INAADEERKII MUUSE BIXI CADAALADIISA HOOS HAW EEGO

Waxay tidhaahdaa somalidu Onkodow dhac xeeshaana dhac, Uurcade waxaa lagu hayaa basaasnimo in uu maalintii doorashada xisbiga u basaasayey kulmi wax shaqo ah oo culus oo xilkuu hayo ahna ka qaban maalintaa, waxay ahayd in xisbiga uu dad taageeroyaala u keeno waxba lagama helin, markaa ilayn iska jog xil baan hayaa dhaqaale culusna ma keenayo maxay tahay taa jawaabteeduwaxaa xisbiga ku jiray ragg ka miisaan iyo aqoon badan oo reerkisa ah nin hadlay kadib intii muuse Qalooc meesha xaday ma jirto.
 
Image result for maxamed cabdillahi uurcade sawiro
Waxaan u sheegayaa Uurcade intuu leeyahay Dr, Cirro ayaa wax qabyaaladeeyey iyo been abuur markii isaga lagu qabtay basaasnimo cadaalada inaadeerkii iyo 100 digreeto oo soo mal maluuqay iyo beelaha Somaliland xaqsoorkooda, cadaalad xumo qabyaalad intuba waxay taalaa gurigaaga Uurcade hadaan fari kugu godnayn maxaad wada xaajood ula geli weyday ceebta ku dul hoganaysana meel isaga saari weyday.
Uurcade gar culus baan hadeer geedka soo dhigaye
Garyaqaan ismacil yaraa furfuri gool aan leeyahaye
Kasmaal biixi yonis baa kalkaal bixin halkuu ishkal galo’e
Wallee adoon gilgilan waa garsheeg nimanku xaajoowe
Garmaqaate gortaan wajahay meel xun baan maraye
Gurxankiisa waataan barteen gaabshay hadalkiise
Hadaba waxaan odhan lahaa Uurcade ha noqon nin doqona oo bartii yaqaana waad wadi kari wayday taa macnaheedu waa xilku waa meerto sida inaadeerkaa oo dad magacaabay laba bilood oo qudha ka hor manta eryey yidhina xilku waa meerto adigu mudaad joogtay oo lagu eegayey ragg badana ay isku seegeen gudoomiye cirro aawadaa la yidhina eri ninkan waa asal madoorshee dheg jalaq umuu siin hadaa dhinac lagaa dhaafo la garan waayey markii ceebtaadii soo baxday ifkana timid hadaba daydayo hadaan kuu fasaxnay debed wareegiiye
Gal nimaan aqoon buu liqaa geeridaa darane
Gaabane cir soo laac la yidhi gaadhi kari waaga
Adigana gedaasaan war xumo kuugu soo galaye
Gudcuryahay guluub naaqusaan mooday laydh gigahe
Qorshahayga gaarka ah markaad meelo kale gaysay
Balan qaadka gawda ah qacdaad iga gudoomaysay
Wiyil iyo anaad Aar tahaan mooday xoor dabacadowe
Gafane iyo waxaad ehel tihiin gol qaniinka shilintiiye
Gacan yaraha Geedoole baan doocna kuu wadine
Waxaan isna shaashadaha ka arkaayey Geedoole oo leh habar cafaan kuumay codayn waxaan aad ula yaabay ninka qabiil badka soo dhigaya habar cafaan xaq waxay u leedahay cidii caafimaadkeedu ku jiro inay u codayso cid kaga cadhoonaysaa ma jirto balse adigu halaka lagaa qaniinay garo iyo cida aad daba socoto shalay baad kulmiye ka carartay oo siilaanyo ka tagtay maantana nin haada geed waayey ah baad is daba taagtay miyaanay nusqaan kuu ahayn
Giiryaale hadal uu ka dido oo gob maqashaadhe
Gar naqsiga hadaan sii wadoon eego gees kalena
Inaad iinta guud kaaga sudhan  igu gufaynayso
Ganbo maad ka weydeen hadaad goroka soo melido
Adoo goobtan dhaafaa ka roon gaadhna waad heliye
Gadhka iyo bidaartaada nin deyey geesi kugu sheegye
Gunta hoosena gabankaad bahtihiin garasho weydowye
Inta ay waxgarad kugu sheegayaan way ku gawriciye
Gumarta iyo jiicaad iyo intii xunbaad gacal wadaag taane
Gawrac raac adoo aan I baran haygu soo geline
Alaaylehe gidaarkaa aad hirdiday waa hal aad geyiye.
ABDI ALI OBSIYE

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker