Masuuliyiin Iyo Shaqaale Ka Tirsan Xukuumadda JSL Oo Loo Diiday Basaboorkii Dalkaasi Oo Ku Dhex Banjaray Jabuuti

Dawladda Jabuuti Oo Ka Cadhootay Tallaabo Ay Qaaday Xukuumadda Madaxweyne Biixi Iyo Geelle Oo Hakiyey Xidhiidhkii Somaliland.
======================================

“Masuuliyiin Iyo Shaqaale Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Loo Diiday Basaboorkii Dalkaasi Oo Ku Dhex Banjaray Jabuuti”.
======================================

Xukuumadda Jabuuti, Ayaa la sheegay inay si weyn uga cadhootay tallaabo ay qaaday Somaliland, waxaanay taasi baddelkeeda ay Jabuuti ku kacday ficiltan, foorjayn iyo foolladayn iyadoo saddex-dii toddobaad ee ugu dambeeyey uu xidhiidhka diblamaasiyadeed ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Jabuuti uu ahaa mid aan ahayn sidiisii hore ee wanaagsanayd.

Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Ayaa La Sheegay inay Xidhiidhkii Dublamaasiyaddeed ee ay Somaliland la lahayd ay hakis,kaddib markii ay ka cadhootay shaqo ka joojintii ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku samaysay horaantii bishan march 2022-ka Wakiilkii Somaaliland u fadhiyey dalka Faransiiska Danjire Cali Ismaaciil Xasan,kaddib markii laggu qoonsaday wareysi uu siiyey Telefishanka Horyaal,kaas oo uu ku sheegay in haddii Somaliland iyo Jabuuti uu dagaal dhex-maro inuu la safan doonno Jabuuti,waxaana kamid ahaa haddaladiisii kuwan :- “Horena waxa aan u idhi Geelle iyo Riyaale haddii ay coloobaan Geelle ayaan raacayaa,haddii aan Burco taggo ciddi ima garanayso, Somaliland waa wakiilkii ayay odhanayaan lakiin iima abtirinayaan,balse Jabuuti waa la i wadda garanayaan oo la ii abtirinayaa.:”ayuu yidhi

Isagoo intaas ku sii darray in haddii ay maanta Somaliland iyo Jabuuti uu dagaal dhex-maro inuu la safan doonno Jabuuti “Haddana halkaas ayaan taaganay haddii Somaliland iyo Jabuuti ay is qabtaan nin Jabuutiyaan ah ayaan ahay oo Jabuuti ayaan raacayaa .”ayuu yidhi

Haddalkan ka soo yeedhay Wakiilkan Somaliland u fadhiyey dalka Faransiiska Danjire Cali Ismaaciil Xasan ayaa waxa si weyn uga cadhooday shacabka reer Somaliland waxaanay taasi keentay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qaado tallaabo laggu boggaadiyey,iyadoo uu Wasiirka arrimaha debada Somaliland Dr Ciise Kayd uu shaqadii ka joojiyey Wakiilkaas ku dhawaaqay haddaladaas xanafta leh ee ka soo horjeeday Qaranimada Somaliland.

Dhanka kalene Xukuumadda Jabuuti oo aanay farxad-gelin tallaabadan ay Xukuumadda Somaliland ka qaaday Danjire Cali Ismaaciil Xasan oo ahaa Wakiilkii Somaliland u fadhiyey dalka faransiiska,ayaa la sheegay inay hakisay xidhiidhkii diblamaasiyadeed ee ay la lahayd Somaliland,waxaana saddex-dii toddobaad ee ugu dambeeyey la darreemay is baddelka deg deg ah ee ku yimi Xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Sidoo kalena Xukuumadda Geelle oo u muuqatay mid aargoosanaysa, ayaa maal-mo kaddib qaaday tallaabooyin u dhiggan inay ku xumaynayso Somaliland,kuwaas oo ay kamid yihiin,iyadoo u yeedhay Danjire Cali Ismaaciil Xasan oo ay Somaliland shaqadii ka joojisay,kaas oo ay ku qaabishay si meeqaam sarre ah,isla markaana la sheegay inuu si qarsoodi ah uu qasriga Madaxtooyadda ugu qaabilay Madaxweyne Geelle, waxaana ay xogguhu Waaberi u sheegeen inuu illaa hadda ku sugan yahay Jabuuti,halkaas oo ay ku kool-koolinayso,balse aan si dhab ah loo oggeyn qorshaheeda iyo waxay u waddo.

Geesta kalena waxa la sheegay inay magaalada Jabuuti ay ku jactadeen masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi,kuwaas oo dalka Jabuuti u doontay Baasaboorka dalkaas,waxaanay xoggaha uu Wargeyska Waaberi ka helay qaarkood ay noo sheegeen inay Xukuumadda Madaxweyne Geelle ay hakisay nidaamkii u socday ee laggu siin lahaa baasaboorka cimriga yar ee aan ahayn ka muwaadiniinta dalkaas la siiyo,kuwaas weli dul meehanaabaya xarumaha lagga bixiyo baasaboorka Jabuuti iyo xafiisyadda kale ee Dawladdaas.

Si kastaba ha-ahaatee Xidhiidhka diblamaasiyadeed ee Somaliland iyo Jabuuti ayaa waxa la sheegay inuu hakad ku yimi,iyadoo lala xidhiidhinayo arrintan inay sababeen laba arrimood ,kuwaas oo kale ah in Dawladda Jabuuti ay ka cadhootay shaqo ka joojintii ay Xukuumadda Biixi ku samaysay Safiirkii Somaliland u fadhiyey dalka Faransiiska,kaas oo ku dhawaaqay haddalo lidi ku ah Qaranimada Somaliland iyo arrinta labaad oo ah xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Maraykanka,taas oo ah arrin muujinaysa inay Jabuuti ay ka xun tahay inay wax u kordhaan Somaliland.

Xigasho:_Wargeyska Waaberi Media.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker