Boliiska Ceerigaabo Oo Xidhay Weriye Iyo Badhasaabka Sanaag Oo Amar Kubixiyey Inuu Xidhnaanayo.

 

 

Ceerigaabo(OWN) Ciidanka Boliiska Magaalada Ceerigaabo ayaa maanta xabsiga u taxaabay Weriye-Cadnaan Rashiid Cali Shoodhe oo Magaalada Ceerigaabo uga hawlgala Telefishanka Somali News.

 

Weriyahan oo xilli duhurnimadii kudhow boliisku qabteen ayaa sida boliisku sheegeen xilligaas wuxu duubayey rabshado dhagaxtuur ah oo dhexmaayey kooxo dhallinyaro ah, waxana weriyahan boliisku ka qaadeen kamaraddii uu sitey.

 

Dhinaca kalena Saraakiil boliis ah iyo Badhasaabka Sanaag Maxamed Axmed Caalin “Tiimbaro” oo aannu goor gaaban oo galabta ah kula kulannay Saldhigga dhexe ee magaalada Ceerigaabo oo ah goobta weriyahani ku xidhan yahay ayaa saraakiisha boliisku sheegeen inay weriyahan kuxidheen rabshaddaas uu duubayey. Sidoo kalena Badhasaabka gobolka Sanaag ayaa isaguna dhiniciisa yidhi “Ninkani Fidma abuur buu ahaa wuuna xidhnaanayaa”.

C/laahi Xuseen Darwiish

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker