Boliiska Ceerigaabo Oo Caawa Xabsiga Kasii daayey Weriye Maanta Laxidhay

 

 

Ceerigaabo(OWN) Ciidanka Boliiska Magaalada Ceerigaabo ayaa Abbaara 9:00 habeennimo ee caawa waxay Saldhigga dhexe boliiska kasii daayeen Weriye-Cadnaan Rashiid Cali Shoodhe oo Magaalada Ceerigaabo uga hawlgala Telefishanka Somali News.

 

Weriyahan oo xilli duhurnimadii maanta kudhow boliisku qabteen isagoo kujirey hawl-maalmeedkiisa shaqo ayaa waxa siideyntiisa ka hawlgalay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

 

Waxana sida weriyahani sheegay weli gacantiisa kamaqan kamaraddii uu kushaqaynayey xilligii boliisku qabteen, taasoo uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay maalinta berrito inay gacantiisa soo geli doonto.

 

 

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker