Dawladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dhex-dhexaadinayso Wadamada Djibouti Iyo Eritrea.

Muqdisho:-(OWN)-Wasiirka wasaarradda arrimaha dibedda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku howlan tahay sida uu hadalka u dhigay in ay dhax-dhaxaadiso dowladdaha Eritrea iyo Jabuuti.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaadhay wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Cismaan Saalax iyo wafdi uu horkacayo oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mar uu wasiirka arrimaha dibedda Soomaliya ka hadlayay booqashada wafdiga Eritrea ayuu sheegay in ay jawaab u tahay safarkii uu dhawaan madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Asmara iyo xoojinta xidhiidhka labada dowladdood.

Dhinaca kale, wasiirka oo la hadlay warbaahinta gudaha kana jawaabayay su’aal aheyd walaaca Jabuuti ay ka qabto xidhiidhka Soomaaliya ee Eritrea ayuu sheegay madaxda dowladdu ku howlan yihiin sidii loo wada hadashiin lahaa labada dowladood Jabuuti iyo Eritrea.

‘’Markii uu tagay Asmara madaxweyna-heennu wax waay-bihii uu kala hadlay Eritrea waxaa ka mid ahaa waxa ay tabanayaan walaalaheenna Jabuuti, waxaana socda daallo ay ku howlan yihiin madaxda ugu sareysa dalka oo ah sidii loo dhameyn lahaa khilaafka  labada dhinac’’ ayuu yidhi Wasiirka.

Dowladda Jabuuti ayaa walaac xoog leh ka muujisay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ka sheegay Asmara ee ahaa in laga qaado Eritrea cunaqabateynta saaran, iyadoo Jabuuti iyo Eritrea ay dhex taalo xiisad ka dhalatay muran dhinaca xudduuda ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker